daajis.com:- Wararka ka imaanya Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in maanta qarax bambaano lagu weeraray maxkamada Darajada koowaad ee magaalada Boosaaso, halkaasi oo ay ka socdeen shaqooyinkii maalinlaha ahaa.
Wararka waxa ay intaasi ku darayaan in nin dhalinyaro ah uu maxkamadda ku tuuray bam gacmeedk, waxaana ka dhashay Khasaare dhaawac ah oo soo gaaray qaar kamid ah dadkii ku sugnaa maxkamadda.
Wararka qaar ayaa sheegaya in ugu yaraan afar ruux ay ku dhaawacantay qaraxa lagu tuuray maxkamadda darajada koowaad ee Magaalada Boosaaso.
Dadka dhaawacmay ayaa ah shacab ku sugnaa maxkamadda, xilligii bambaanada qaraxa maxkamadda lagu tuuraayay, waxaana warka intaasi uu ku darayaa inay suuragal tahay tirada dhaawaca ay intaasi ka sii kororto.
Ciidamada ammaanka maxkamada ayaa iyaguna furay rasaas qal qalgelisay dadkii goobta ku sugnaa, taasi oo keentay inay dadka kala cararaan, waxaana isagana goobtaasi ka baxsaday sida la sheegayo ninkii bamka ku tuuray maxkamada.

Magaalada Boosaaso ayaa maalmahan danbe waxa uu amnigeeda u muuqdaa mid faraha ka sii baxaya, maadaama maanta dharaar cad qarax bambaano lagu weeraray maxkamada Magaaladaasi Boosaaso.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 22:00 and have
, Published at