Xiriika Hoose ee ka Dhaxeeyay Xukuumadda Donald Trump iyo Ruushka oo Maalinba Maalinta ka Danbeysa soo Ifbaxaya (VIDEO)

Xiriika Hoose ee ka Dhaxeeyay Xukuumadda Donald Trump iyo Ruushka oo Maalinba Maalinta ka Danbeysa soo Ifbaxaya (VIDEO)

daajis.com:- Shalay ayay ahayd markii Wasiirka Caddaaladda ee dalka Maraykanka Gen. Jeff Sessions uu iska casiley hoggaaminta baaritaanka xiriirkii u dhaxeeyay ololihii doorashada ee Donalad Trump iyo sirdoonka Ruushka oo la aaminsan yahay in Ruushku ay farogeliyeen doorashadii ka dhacday dalka Maraykanka.

Jeff Sessions ayaa kulan la qatey Safiirka Ruushka u fasdhiya dalka Maraykanka, Ambsador Sergej Kisljak mudadii ay socotey ololahii doorashada ee sanadkii 2016, taas oo uu ka qariyey Xildhibaanada Aqalka Senate-ka ee ansixinayey, kadib markii si toos ah loo weydiiyey in uu wax kulan ah la yeeshey cid ka socota Ruushka.


Siyaasiyiinta Xisbiga Dimoqraadiga ayaa ka dalabdey wasiirka Jeff Sessions inuu iska casilo xilka Xeer ilaaliyaha guud ee Maraykanka/Wasiirka caddaaladda ee ay hoostagto hay’adda FBI ee baaritaanka wada.

Saaxibadiisa xisbiga Jamhuuriga ayaa ka dalbadey in uu iska casilo hoggaaminta baaritaanka xiriirka sirdoonka Ruushka uu la lahaa madaxweyne Trump, sidoo kale waxay ka dalbadeen inuu naftiisa difaaco eedaha loo jeedinaayo.

Baaritaanka ay waddo hay’adda FBI ayaa noqdey mid aan lagu kalsoonaan karin kadib markii uu noqdey ninka hoggaaminayay mid kamid ah kuwa baaritaanku lugu hayo.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada