Mareykanka oo ka mamnuucaya in diyaaradaha lala raaco Kaamirooyinka, Laptop iyo Ipad

Mareykanka oo ka mamnuucaya in diyaaradaha lala raaco Kaamirooyinka, Laptop iyo Ipad

daajis.com:- Mareykanka ayaa qorsheynaya in diyaaradaha lala raaco qalabyada korontada ku shaqeeya sida Kaamirooyinka, Laptop iyo Ipad, iyadoo si gaar ah looga mamnuucistan ay u saameyneyso diyaaradaha ka yimaada wadamada bariga dhexe iyo waqooyiga Afrika.

Tallaabadan ayaa saameyn ku yeelan doonta sagaal ka mid ah shirkadaha duulimaadyadaku taga 10 garoon oo ku yaala Mareykanka.

Diyaaradaha ka yimaada dalalka Turkey, Imaaraadka Carabta, Qatar, Masar, Morocco, Sacuudiga iyo Jordan, iyadoo mamnuucistan ay si gaar ah u saameyneyso duulimaadyada tooska ah ee diyaaradaha ka imaanaya magaalooyinka wadamadan.

Sanadkii hore ayaa diyaarad ay leedahay Shirkadda Daalo Airline oo ka dhooftay magaalada Muqdisho, waxaa dhibaato gaarsiiyay qarax ku xirnaa Laptop, iyadoo diyaarada ay dhinac ka duleelsantay, qofkii Laptop-ka watay ayaa keligiis diyaarada ka dhex dusay.

Sirdoonka Mareykanka ayaa ka cabsi qaba in xaalada noocaan oo kale ay ka cabsi qabaan inay dhacdo, ayna suura gal noqoto in diyaaradaha yimaada Mareykanka in lala soo raaco aaladahaas.
Shirkadaha diyaaradaha ayaa la sheegay inay heystaan inay ku dhaqan geliyaan amarkan muddo afar maalmood, waxaana ay noqoneysaa hadii uu hirgelo amarkan kii u horeeyay tan iyo markii Madaxweyne Donald Trump uu xilka qabtay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada