Ra’iisul Wasaaraha UK oo saxiixday warqada ay uga baxayaan Midowga Yurub

Ra’iisul Wasaaraha UK oo saxiixday warqada ay uga baxayaan Midowga Yurub

daajis.com:- Ra’iisul Wasaaraha Uk Theresa May ayaa saxiixday warqaddii ay dalkeeda uga baxeyso Midowga Yurub, kaddib markii sanadkii hore dadka UK ay afti u qaadeen inay ka baxaan Ururka Midowga Yurub.

Theresa May ayaa warqada ogeysiiska oo waafaqsan qodobka 50aad ee heshiiskii Lisbon u gudbin doonta Madaxweynaha Golaha Yurub Donald Tuska maanta oo Arbaco ah.

Ra’iisul Wasaaraha UK ayaa sheegtay in tallaabadan ay astaan u noqon doonto wadajirka dalkeeda, isla markaana ay ka go’an tahay dhameystirka ka bixitaanka Midowga Yurub.

Waxaa ay maanta shir guddoomin doontaa kulan ay yeelan doonaan Golaha Wasiirada, iyadoo sidoo kale warbixin ka hor-jeedin doonta Xildhibaanada, si ay ugu wargeliso inuu bilowday ka bixitaankii UK ee Midowga Yurub.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada