Xog: Heshiis qarsoodi ah oo dhex maray Itoobiya iyo Gaas oo la ogaaday iyo halista uu leeyahay

Xog: Heshiis qarsoodi ah oo dhex maray Itoobiya iyo Gaas oo la ogaaday iyo halista uu leeyahay

daajis.com:- Waxaa dhawaan kulan xasaasi ah ku yeeshay Caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland iyo  Ra’isulwasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, waxaana kulankaas la ogaaday in lagu galay heshiis qarsoodi ah.

Xogta ay heleyso Caasimadda Online ayaa muujineyso in ujeedka ugu weyn ee kulankaas uu ahaa sidii uu gaas ugu fududeyn lahaa Itoobiya inay faragelin toos ah ku sameyso dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiye Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Hailemariam Desalegn ayaa heshiis qarsoodi ah la gashay Gaas wuxuuna ka codsaday inuu hormuud u noqdo siyaasad qalafsan oo lagu doonayo in lagu farageliyo dowladda Soomaaliya, waxaana laga saxiixay heshiis uusan ka bixi karin Madaxweynaha Puntland.

Taas badalkeeda, waxayna dowladda Itoobiya ku qancisay Puntland hub badan, agab military oo dhameystiran  oo lagu qalabeenayo ciidamada Puntland, sidoo kalana waxaa loo ballan qaaday in Mashaariic laga fulin doono deegaanada uu ka arrimiyo Puntland, waxaana intaas loo siiyey si uu u fududeeyo siyaasad cusub oo ay itoobiya ka damacsan tahay Soomaaliya.
Gaas ayaa shaqsi ahaan loo siiyey Lacag aad u badan oo la doonayo inuu adeegaas ku qabto, sidoo kalana waxaa la rumeysan yahay inay Itoobiya ka dambeysay heshiiskii Dekadda Boosaaso lagu siiyey Dowladda Imaaraadka Carabta.

Itoobiya ayaa deegaanada Puntland ku leh Sirdoon diiwaan gashan, wuxuuna Hailemariam Desalegn ujeedkiisu yahay inay Itoobiya si rasmi ah u maamulato deegaanada Puntalnd taasina waxay dhibaato ku noqon doontaa Soomaaliya.

Itoobiya ayaa damacsan inay dhabarjabinta Farmaajo usoo marto maamul Goboleedka Puntland, gaar ahaan Cabdiweli Gaas oo aan diyaar u aheyn inuu dadkiisa iyo guud ahaan Soomaaliya helaan xornimo iyo nabad waarto.

Mashaariicda ugu horeyso ayey dowladda Itoobiya ka fullin doontaa deegaanada Puntalnd bisha May ee sanadkaan 2017, waana laba mashruuc oo kala ah garoon diyaaradeed oo laga dhisayo Gaalkacyo iyo dhisidda waddo laami ah oo isku xireysa Garoowe iyo Eyl .

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dowladiisa ayaan weli ku baraarugsaneyn arrintaas halista ah oo ay Itoobiya ka damacsan tahay dowladda Soomaaliya iyo dadka kasoo jeedo Puntland, waxaana arrintaas dhan fududeynayo Cabdiweli Gaas oo ah nin aan wadani aheyn isla markaasna aan laheyn wax dareyn muwaadinimo.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada