Sawiro: Lama qiyaasi karo farxadda ka muuqato Soomaalidii Maanta toos uga dagtay Nairobi

Sawiro: Lama qiyaasi karo farxadda ka muuqato Soomaalidii Maanta toos uga dagtay Nairobi

daajis.com:- Waxaa maanta si rasmi ah dib u bilawday duulimaayadii tooska ahaa ee Magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi kadib sanooyin uu hakad ku jiray kadib markii ay labada dowladood sidaas ku heshiiyeen.

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa xariga ka jaray duulimaadka tooska ah ee Nairobi iyo Muqdisho, waxaana markii ugu horeyso Magaalada Nairobi gaartay diyaarad rakaab ah oo ka tagtay Magaalada Muqdisho iyadoo aan lagu baarin Magaalada Wajeer.

Madax ka tirsan dowladda Kenya ayaa Jomma Kenyatta Aiport kusoo dhaweeyey Diyaaradii ka tagtay Muqdisho ee sida tooska ah uga dagtay Caasimadda Kenya ee Nairobi.

Joseph Nkaissery oo ah wasiirka Arrimaha gudaha ayaa horkacayey kooxdiisa soo dhaweynta diyaaradaas ugu sameysay garoonka diyaaradaha Jomma Kenyatta, sidoo kalana waxaa ka qeyb qaatay masa’uuliyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee Kenya.
Dadkii Soomaaliyeed ee halkaas ka dagay ayaa waxaa ka muuqatay farxad maadaama ay si toos ah u tagaan Nairobi iyagoo aan marin halkii markii hore lagu dhibi jiray ee Wajeer oo la sheegay inay kala kulmi jireyn dhibaatooyin badan oo ay kamid tahay waqti lumis iyo baaritaan aad u adag.
Haddaba halkaan hoose ka daawo sawirada qaar kamid ah dadkii maanta Nairobi ka dagay oo ay ka muuqatay farxad.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada