Nin Madow oo Toogasho ku Dilay Dad Cadaan ah oo aan Waxba Galabsan (VIDEO)

Nin Madow oo Toogasho ku Dilay Dad Cadaan ah oo aan Waxba Galabsan (VIDEO)

daajis.com:- Saddex nin oo caddaan ah ayaa maanta weerar lagu dilay, iyadoo mid kalana uu soo gaaray dhaawac halis ah, ka dib markii uu nin madow oo cunsuri ahi rasaas ku furay iyagoo ku sugan magaalada Fresno ee dalka Maraykanka.

Waxaa looga shakisan yahay in ninkani uu wadey weerar midab takoor ku salaysan sida ay booliisku sheegeen.



Ninka falkan gaystay oo lagu magacaabo Kori Ali Muhammad ayaa 90 ilbiriqsi gudahood ku riday 16 xabbadood, weerarkaasina wuxuu dhacay Talaadadii sida uu sheegay Jerry Dyer oo ah sarkaal booliiska u hadlay.

(Allahu Akbar) ayuu ku qaylyay markii la xirayay, laakiin Dyer ayaa wuxuu rumaysan yahay in uusan ahayn weerar argagixiso ee uu ahaa mid midab sooc ku salaysan.

Kori oo 39 jir ah ayaa Booliisku waxay sheegeen inuu bogiisa Facebook-ga uu ku bidhaamiyay inuu neceb yahay dadka cad uuna soo bandhigay aragti ka dhan ah dawladda iyo dadka Maraykanka.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada