daajis.com:- Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo wareysi siiyay Idaacada BBC ayaa ayaa Marka Hore wuxuu sheegay Inaanu Qusayn Shirka Looga hadlayo Arimaha Soomaaliya ee lagu Qabanayo magaalada London.
Hadana Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu codsaday inaan Shirka London Cunaqabataynta Hubka Looga Qaadin Soomaaliya, Hada Xasuuso waa Midkii uu dhahay Arimaheedu Nama Quseeyaan !
Sidoo kale waxaa uu ka hadlay qorshaha dhismaha ciidamada Soomaaliya, isagoo walaac ka muujiyay in xilligan ciidamo laga qoro Qaybo kamid ah gobolada Waqooyi, Sida Buuhoodle oo uu xusay in gacanta ugu jirin maamulkooda.
Ugu Danbayntii ayaa Sacad Wuxuu ku sheegay inay Soomaali yihiin, oo Hadii Dhaqaalle kasoo baxo Shirka ay Qaybtooda Rabaan wixii lagu Helay magaca Soomaaliya. !
Shirka London ayaa lagu wadaa inuu furmo 11-ka bishan, iyadoo shirkan ay ka qeyb galayaan in ka badan 40 dowladood iyo ururo caalami ah.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 01:45 and have
, Published at