Daawo Muuqaal: Maraykanka oo Qadar ka iibinaya Diyaarada Dagaalka ee F-15, Iyo Heshiis 12-Bilyan ah oo la Saxiixday

Daawo Muuqaal: Maraykanka oo Qadar ka iibinaya Diyaarada Dagaalka ee F-15, Iyo Heshiis 12-Bilyan ah oo la Saxiixday

daajis.com:-  Mareykanka ayaa Qadar ka iibinayaa diyaarado nooca miiga dagaalka ah oo ku kacaya $12Billion, heshiis arrinan la xiriira ayaa labada dal wada saxiixdeen.


Miiga dagaalka ee f-15, oo ah nooca loo yaqaan (gorgorka) kana mid ah kuwa ugu casrisan xaga duqeynta iyo xawaaraha duulista, ayaa laga iibinaya Qadar si kor loogu qaado awoodeeda ciidan.

Heshiiska waxa wada saxiixay wasiirka difaaca ee Qadar Khalid Al Attiyah iyo dhigiisa dalka Mareykanka Jim Mattis, sida ay baahisay Aljazeera.

Wasiirka Difaaca ee Qadar oo hadlay wuu amaanay arrintan wuxuu ku tilmaamay tillaabo kale oo horumarinaysa iskaashiga dhinaca difaaca ah ee kala dhexeya Mareykanka, si ay ula diriraan xagjirnimada una horumariyaan nabada iyo deganaanshaha gobolka.

Heshiiskan waxaa ka horeeyay, mid $110billion ah oo Mareyakanku uu hub kaga iibinayo Sacuudiga, shalayto oo u danbeysay waxaa Golaha Senate-ka ee Mareykanku ansixiyey qorshe ku kacaya $500Million oo Mareykanku hub uga gadayo Sacuudiga


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada