Daawo C.wali gaas “Maamulka Hargaisa Waxa uu Garab iyo Gaashaan u yahay Argagixisada Al-shabaab iyo Daacish”

Daawo C.wali gaas “Maamulka Hargaisa Waxa uu Garab iyo Gaashaan u yahay Argagixisada Al-shabaab iyo Daacish”

daajis.com:- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali  Gaas, oo shir jaraa’id ugu qabtay garoowe ayaa ka hadlay Duulaan Somaliland ku Qabsatay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, halkaasoo ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan Puntland.


Gaas ayaa ku dhaliilay Somaliland oo uu sheegay inay weerarkan kusoo beegtay xilli Madaxweynaha Soomaaliya uu ku suganyahay Puntland, taasoo uu tilmaamay inay carqalad ku tahay geedi socodka nabadda, Wuxuuna xusay in arrintan tahay farogalin qaawaan oo lagu hayo xuduuda Puntland, isagoo xusay inaysan u dulqaadan doonin daandaansi ka dhan ah nabadgalyada Iyo xasiloonida maamulkan mudada dheer kusoo jiray.

Cabdiwali Maxamed, ayaa sidoo kale Somaliland ku eedeeyay inay garab iyo gaashaan u tahay Argagixisada, wuxuuna yiri, “Sidaad ogtihiin Puntland waxay dagaal kula jirta kooxaha Daacish iyo Al Shabaab, waxaana duullaanka qaawan ee maamulka Hargaysa uu Garab iyo Gaashaan u yahay Argagixisada.”

Shacabka Puntland ee dalka iyo dibadaba ku dhaqan ayuu ugu baaqay inay u diyaar garoobaan difaaca dalka Iyo ilaalinta xuduudooda, wuxuuna dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka u diray fariin ah in arrintaas wixii ka dhasha ay mas’uuliyadeeda leedahay Somaliland.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada