Daawo: Imaaraadka oo Hargeysa usoo diray Wafti Muuse ku Qanciya Saldhiga Berbera iyo Xildhibaan ka digay

Daawo: Imaaraadka oo Hargeysa usoo diray Wafti Muuse ku Qanciya Saldhiga Berbera iyo Xildhibaan ka digay

daajis.com:- Dawladda Imaaraadka Carabta, ayaa magaalada Hargeysa  u soo dirtay wefti  kulan la yeelan doona Muuse Biixi Cabdi madaxwaynaha Somaliland, Kuwaasi oo kala hadli doona arrimaha saldhiga milatari ee Berbera.

Weftigan oo shalay soo gaadhay magaalada Hargeysa, ma jiro wax war ah oo Somaliland ka soo saartay, laakiin warar soo baxay ayaa sheegaya in ujeedada weftigu tahay sidii ay kulan arrimaha saldhiga ku saabsan ula yeelan lahaayeen Muuse Biixi Cabdi, ka dib markii ay Somaliland xaqiijisay in hakin lagu sameeyay hawlihii saldhiga markii ay soo baxeen arrimo lagu heshiiyay oo aanay dawladda Imaaraadka Carabtu weli fulin.

Weftiga Imaaraadka ka socda ayaa shalay kulan kooban la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Sacad Cali Shire, waxaana la filayaa inay maanta la kulmaan  Muuse Biixi, waxaana  Somaliland weftiga UAE u bandhigi doontaa qodobbada ay doodda ka leedahay ee la xidhiidha saldhiga iyo arrimaha ku xeeran.


Dhinaca kale Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile  oo kamid ah Baarlaamanka Somaliland  ayaa Muuse Biixi ugu Baaqay inaanu ku deg-degin Saldhiga Milatari ee Imaaraadku doonayo.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada