Wafdigii Baydhabo u tagay xalinta cabashada KGS oo Muqdisho ku soo laabtay.

Wafdigii Baydhabo u tagay xalinta cabashada KGS oo Muqdisho ku soo laabtay.

daajis.com:- Waxaa goordhow magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtay wafdigii uu hoggaaminayay madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor qoor ee Baydhabo maalmihii la soo dhaafay u joogay cabashada Koofur Galbeed ee hakinta kuraas deeganadooda laga soo doortay.

Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ahaa wafdigan ayaa sheegay iney Muqdisho u yimaadeen sidii ay u sii amba qaadi lahaayeen wadahadalada, iyagoo kulamo la yeelan doona ra’iisil wasaare Rooble iyo guddiga doorashooyinka heer federaal oo ah labada dhimac ee uu lafta gareen cabashada ka yahay.

“Muqdisho ayaan ku soo laabanay galabta si aan u dhammeystirno turxaanbixinta tabashada reer KG ee maalmahaan aan u joognay magaalada Baydhabo. Aad ayaan ugu mahadcelinaynaa MW Cabdicasiis, Xildhibaanada iyo shacabka reer KG soo dhaweynta diiran ay noo sameeyeen iyo sida ay diyaarka ugu yihiin xal u helida arimaha taagan ee la xariira dhamaystirka doorashada” ayuu yiri Mahad Salaad oo qoraal ku daabacay bartiisa Facebook.

Wararku waxa ay sheegayaan in arrimaha ay isla meel dhigeen dhinacyada ku shirsanaa Baydhabo ay qeyb ka tahay in kuraasta Koofur Galbeed la fosoxo, xildhibaanadoodana ay shahaadada qaataan, Lafta Gareen ayaa lagu qanciyay inaanu isku xirin kuraastiisa iyo midka Fahad Yaasiin.

Mahad Salaad ayaa dhanka kale sheegay in ra’iisul wasaare Rooble uu diyaar u ahaa xal kasta oo ay kala soo laabtaan Baydhabo, isagoo ku amaanay kaalintiisa qancinta reer Koofur Galbeed si doorashada loo sii amba qaado, maadaama waqtigu gabaabsi yahay.


“Waxaan sidoo kale u mahadcelinaynaa RW Rooble iyo guddiga doorashooyinka heer federaal oo mar walba diyaar noola ahaa taabagelinta xalka kasta oo fure u noqon kara tabashada reer KG iyo dardargelinta arimaha doorashooyinka” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:02 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada