Sawirro:- Ciidanka Danab oo gubay xarumo Al-Shabaab ku lahaayeen Sh/dhexe

Sawirro:- Ciidanka Danab oo gubay xarumo Al-Shabaab ku lahaayeen Sh/dhexe

daajis.com:- Ciidanka Kumaandoska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Degaanka War-ciise ee gobolka Shabeelaha dhexe ka sameeyay howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Al-shabaab.

Saraakiisha ciidamada Danab ayaa xusay in Howlgalka khasaare xooggan lagu gaarsiiyay Al-shabaab, lagana gubay xarumihii ay ku lahaayeen degaanka Sida saldhigooda, xarun maxkamadeed oo ay halkaas ku lahaayeen.

“Ciidanka Xoogga Dalka ayaa argagixisada ka soo furtay hub iyo gaari nooca Homayda loo yaqaan oo ay adeegsan jireen iyadoo laga dilay ku dhawaad 7 maleeshiyaad ah” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Odowaa Yuusuf Raage.


Taliyaha ayaa intaas ku daray in ujeedka howlgalka uu ahaa ka hortaga wax uu ugu yeeray dhagarta ay soo maleegeen Shacabka Soomaaliyeed.









FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:36 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada