Maraykanka oo sheegay in duqayn ka dhan ah Alshabaab uu ka Fuliyay gobolka Jubada Dhexe

Maraykanka oo sheegay in duqayn ka dhan ah Alshabaab uu ka Fuliyay gobolka Jubada Dhexe

daajis.com:-Taliska Hawlgalka Ciidamadda Maraykanka ee Afrika (AFricom) ayaa xaqiijiyay in duqaymo dhinaca circa ah ay ka fuliyeen degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe.

Qoraal ka soo baxay Taliska Africom ayaa lagu sheegay in Hawlgalkan ay la kaashadeen Dawladaa Federaalka Soomaaliya lagu mana sheegin qoraaalka Africom khasaareka dhashay duqaynta

‘’ Qiimeeyn hordhac ah ayaa muujineysa in uusan jirin khasaare soo gaaray dad rayid ah dhimasho ama dhaawac ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Afriom’’.

Dhinaca kale’ Warbaahinta Dawladaa Soomaaliya ayaa baahisay in Ciidamada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ay weerar ka fuliyeen  Magaalada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe oo xarun u ah Al Shabab.
Weerarka oo lagu beegsaday bartilmaameedyo gaar ah ayaa geestay Khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo xarumo la burburiyay ayaa lagu yiri warkan oo ay baahisay Warbaahita Dawlada.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:42 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada