Daawo: Senator Fartaag oo kashifay arrin dhex-martay isaga iyo Axmed Madoobe

Daawo: Senator Fartaag oo kashifay arrin dhex-martay isaga iyo Axmed Madoobe

daajis.com:-  Senator Cabdullaahi Ismaaciil (Fartaag) oo kamid ah Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa markale weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha Jubbaland, ka dib wareysi gaar ah oo uu siiyay Telefishinka Caalamiga ah ee Universal.

Fartaag ayaa wax laga weydiiyay khilaafka kala dhexeeyay Axmed Madoobe iyo sidoo kale dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee deegaanada maamulkaasi.

Ugu horreyn Fartaag ayaa kashifay arrin dhex-martay isaga iyo Axmed Madoobe, wuxuuna ka sheekeeyay saaxibtimadii kala dhexeysay madaxweynaha Jubbland, maadaama uu horay usoo noqday ku xigeenkiisa, wuxuu qiray in kursiga Senatorka ee uu hadda ku fadhiyo uu i xiray laba mar, taasna ay ku timid wada shaqeyn iyo saaxibtinimo ka wada dhexeysay.

Sababta wuxuu ku sheegay inuu isaguba horay abaal ugu galay, isla-markaana uu u xiray kursiga uu hadda ku fadhiyo, isla-markaana uu ololeeyay ayada oo la diidan yahay.

“Kursi uu ii xiray waa jirtay waana kursi aan xaq u lahaa, kursigaana markii hore waa ii xiray, anne horay kursi ayaan ugu xiray kursi aan loo ogoleyn ayaana u xiray isaga oo la ogoleyn oo Sheekh Shukuul taagan yahay oo Gaandi uu taagan yahay oo kuwa kale ay taagan yihiin oo Mariixaan oo dhan ay taagan yihiin anaa u xiray anaa iri Jubbaland iyo Jubbaland diid ayaa is dagaalaya waa la wada ogyahay” ayuu yiri Sentor Fartaag.


Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in markaas uu doonayay inay dhisanto Jubbaland, lagana gudbo xaaladaha maanta taagan, si loo helo maamul mid ah oo dhameystiran.

“Anaa dhoo dhoobay anaana u xiray oo raalli ka ahaa, waxaan ugu hiilinaayay inuu sytem dhismo kadibna aan Shabaab la dagaalano” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, wuxuuna ku eedeeyay Axmed Madoobe inuu kasoo horjeedo in Shabaab laga xoreeyo Jubbaland.

“Axmed Madoobe ma ogolo in Al-Shabaab lala dagaalamo, mana ogolo in howl la qabto xeyndaab ayey u yihiin Soomaali waan u cadeynayaa ” ayuu mar kale yiri Senatar Fartaag.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan Jubbaland ay wajaheyso xaalado kala duwan oo is biirsaday, sida xiisadda Gedo oo weli taagan iyo howlgallada Al-Shabaab.



_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:24 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada