Dowladda Soomaaliya oo diyaar garowga Wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab ka billaawday Muqdisho

Dowladda Soomaaliya oo diyaar garowga Wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab ka billaawday Muqdisho

daajis.com:- Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS Gen Axmed Aadan Cali  ayaa  Kormeer Shaqo ku tagay Dugsiga Tababarka Ciidanka Turk Som & Taliska Guutada 18aad Kumandooska Gorgor XDS ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha ayaa ugu horayn Tagay Dugsiga tababarka ee Turkisom Halkaas oo uu Tananarive uga socdo Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka,Kormeerka ka dib ayuu Taliyuhu waxa uu kulan la qaatay Gen.Ali SIĞIRTMAÇ oo ah Taliyaha Dugsiga Turkisom isagoona uga mahadceliyey Garab istaaga ay dowladda Turkigu garabtaagantahay Dowladda Soomaaliya waxana uu u sheegay in ay sii laba jibaraan dadaalka ay wadaan ee ah in ay soo saaran Ciidan Dhisan Ka Talis ahaana ay Garabtaagan yihiin.

Dhinaca kale Taliyaha ayaa kormeeray Taliska Guutada 18-aad Ciidanka Kumandooska Gorgor XDS halkaas oo ku soo dhaweeyey Taliyaha Guutada 18-aad Gashaanle  Bashiir Cumar Cabdullaahi.

Taliyaha ayaana kulan la qaatay  Saraakiisha Guutada 18’aad Kumandooska Gorgor XDS waxana uu kula dardaarmay in si daacada u gutaan waajibka qaran ee Saaran madaama guud ahaan dalkeena uu ka bilaabanayo wajiga labaad ee dalka looga saarayo Al-Shabaab






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:47 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada