Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh oo ku kulmay Villa Somalia

Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh oo ku kulmay Villa Somalia

daajis.com:- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta madaxtooyada kula kulmay Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaagay Madaxweynihii hore xaaladda dalka iyo dadaallada dowladdu ay ku bixinayso xoreynta dalka iyo halganka ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku jiraan ee argagixisada Al-Shabaab lagu cirib tirayo,” ayaa lagu yiri qoraalka madaxtooyada.

Madaxtooyada ayaa intaas ku dartay in Shariif Sheekh Axmed “uu uga mahadceliyey madaxweynaha Jamhuuriyadda kulankan wadatashiga iyo soo-dhaweynta ah ee uu ugu fidiyey madaxtooyada, una rajeeyey dowladnimada iyo shacabka Soomaaliyeed horumar iyo midnimo.”

Kulanka maanta ayaa imanaya ayada oo dhowaan xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Shariif Sheekh Axmed uu kasoo horjeestay dadaal uu baarlamanka federaalka isku dayey inuu wax uga beddelo qodobo ka mid ah dastuurka si loogu gogol xaaro kordhinta muddo xileedka hay’adaha dowladda.


"Waxaa marna suurta-gal ahayn caqli ahaan iyo sharci ahaanba gole la doortay inuu isagu isu sameeyo muddo kordhin, haday timaado baahi in wax ka bedel lagu sameeyo qodob dastuuri ah oo taabanaya muddo xileedka hay'adaha dowladda, wax ka bedelku wuxuu dhaqan galayaa muddo xileedka dambe, si looga fogaado danaha is-diidan 'Conflict of interest'," ayaa lagu yiri bayaanka xisbiga Himilo Qaran.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada