Duqeymo iyo howlgallo ka dhacay Gobollada Jubbooyinka

Duqeymo iyo howlgallo ka dhacay Gobollada Jubbooyinka

daajis.com:- Ciidamada Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB gaar ahaan Ururka 5aad ee Guutada 16aad oo kaashanaya Ciidamada daraawaaiishta dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa howlgallo xoogan oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka sameeyeen dhul howd ah oo kuyaalla Gobolka Jubbada Hoose.

Howlgallada ayaa Ciidamada waxaa ay sigaar ah uga sameeyeen degaannada kala ah, Aboodin, Buuro banaan, Jideyso iyo Garasiinda, halkaas oo la sheegay inay Al-Shabaab ku lahaayeen fariisimo ay kasoo abaabuli jireen weerarada ay ka geystaan degaannada Gobolka Jubbada Hoose.

Ujeedka howlgalka ayaa saraakiiisha hoggaamineysa waxaa ay sheegeen in uu ahaa Burbrinta saldhigyada Al-Shabaab oo ay ku lahaayeen degaannadaas, si looga hortago weerarada ay geystaan, sida uu Warbaahinta u xaqiijiyay Taliyaha Ururka 5aad ee Guutada 16aad ee DANAB Gaashaanle Carab Dheeg Axmed

Dhinaca duqeyn dhinaca cirka ah ayaa ka dhacay degmooyinka Jilib iyo Buu’aalo iyo degaannada kale ee kala ah Harboole iyo laagta iyo Tuulada Weelmaaro sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.


Majirto ilaa iyo hadda war kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo lagu shaaciyay khasaaraha ka dhashay duqeyntaas, hayeeshee Al-Shabaab ayaa shaaciyay sawirada Carruur ay sheegeen inay ku dhaawacmeen duqeyntii ka dhacday degmada Buu’aalo iyo burburka Shirkadda korontada degmadaas.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:01 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada