Ciidamada AMISOM oo maanta Qarax Xoogan lala eegtay Xili ay kuguda jireen Dukaameesi.

Ciidamada AMISOM oo maanta Qarax Xoogan lala eegtay Xili ay kuguda jireen Dukaameesi.

amisom

Ciidamo katirsan Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta qarax xoogan waxaa lagula eegtay Suuqa Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose .

Dad goob joogayaal ah ayaa kuwaramay in Qaraxa lala eegtay Ciidamada AMISOM xili ay dukaameesi kasoo sameesteen Suuqa Magaalada Marka ayna doonayeen in ay dib ugu soo laabtaan xeryahooda kuyaala Magaalada Marka.

Qaraxa lala eegtay Ciidamada AMISOM ayaa lasoo sheegayaa in uu kasoo gaaray Qasaarooyin ikastoo aan si rasmi ah looga warheyn qasaaraha dhimasho ama dhaawac ee kasoo gaaray Ciidamada AMISOM.

Qaraxa kadib ayeyna Ciidamada AMISOM waxa ay rasaas culus huwiyeen dad shacab ah oo ka agdhawaa halkii lagu qarxiyay iyo goob kale oo ku dhaweed xero Milatri ay lahaayeen Ciidamada AMISOM.

Rasaasta ay fureen Ciidamada AMISOM ayaa sidoo kale waxa aka dhashay Dhawacyo culus oo kasoo gaaray dad rayid ah kuwaa oo lasoo sheegayo in qaarkood adimahooda ku waayeen Rasaasta ay fureen Ciidamada AMISOM.

Ma ahan markii ugu horeesay oo qaraxyo lala eegto Ciidamada AMISOM ee ku sugan Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh/Hoose , waxaana marar badan Ciidamada AMISOM ee kusugan Marka lala eegtay Qaraxyo kala duwan oo qasaarooyin kala duwan Ciidamada kasoo gaaray.
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:59 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada