Haweenay Maraykan Ah Oo Shaqadeedii Ku Wayday Quruxda Alle U Dhaliyay darteed(Warbixin layaab leh).

Haweenay Maraykan Ah Oo Shaqadeedii Ku Wayday Quruxda Alle U Dhaliyay darteed(Warbixin layaab leh).

beatifull women

Dhacdo ku cibro qaadasho mudan loogana baahan yahay in dadka Islaamka ahi u yeeshan fiiro dheer ayaa dhawaan ka dhacdey wadanka Mareykanka, waxay aheyd markii maxkamad ku taal gobolka dalkaasi ay go’aan ku soo saartey in madaxda shirkaduhu shaqada ka eryi karaan haweenka ilqabadka wanaagsan leh (Qurxoon), iyada oo taasi laga dhigay mid sharci ah. 

Dimuqraadiyada waxay qabtaa in qofka shaqaalaha ah uu xaq u leeyahay in uu shaqadiisa ku waayi karo sifooyin ku saleysan xuquuqda aadanaha, tusaale ahaan in qofku shaqadiisa ka soo bixi waayo, in uu u dhamaado heshiiskiisa ama in uu helo magdhow hadii shaqadiisa uu ku waayo sifo aan sharciga waafaqsaneyn.

Laakiin qisadan Dimuqraadiyada la sheegayo ka duwan ayaa timid kadib markii nin Dhakhtar ah oo qaabilsan daaweynta cudurada Ilkaha uu xaruntiisii ka eryey haweenay mudo 10 sano ah ka shaqeynaysay xaruntiisa, isaga oo taasi u cuskaday in ay tahay qof qurux badan. 

Melissa Nelson oo la shaqeynaysay James Knight waxay dacwadoodu gaadhey heer maxkamadeed iyada oo James ku doodayo in Mellissa ay tahay qof qurx badan oo dhar ku dhegan qaadata, isla markaana isaga iyo dadka kale ee xarunta imanayaa ay ku sameyso mashquulin. 

Melissa Nelson waxay ku doodayaa in hadii ay nin ahaan laheyd ay shaqadeeda aanay waydeen, balse dumarnimada ay shaqadeeda ku wayday, iyada oo hadalkan ka dhex sheegtey maxkamada.

Laakiin James wuxu ku doodayaa in xiItaa guurka qoyskiisa uu ku jiro khatar hadii haweenaydaasi ay la sii shaqeyso, iyada oo maxkamada la keenay markhaati cadeynaya in sanadkii 2009-kii James xaaskiisa ay ku aragtey telefoonka saygeeda fariimaha qoraalka ah ee ay isdhaafsadeen Melisssa iyada oo dalbatey in haweenaydaasi uu shaqada ka saaro hadii kale guurkoodu uu ku jiro khatar. 

Layaabku wuxu ahaa markii cadeymaha maxkamada la keenay ay noqdeen in xidhiidhka James iyo Melissa ay ahaayeen kuwo shaqada ku saleysan oo aanay jirin xidhiidh isgaadhsiineed oo la isdhaafsadey oo ka baxsan shaqada, arintaasi oo noqotey mid muran badan keentey. 

Cadeymaha maxlamada la keenay waxay ahaayen hal fariin oo qoraal mobile ah (Text massage) oo uu James u diray Melissa sanadkii 2009-kii wuxu ku waydiiyey su’aal la xidhiidhey dareenkeeda sariireed, balse waxa lagu waayey cadeyn ah in ay wax jawaab ah ka siisay qoraalkaasi.

Sanadkii 2010-kii James Knight wuxu shaqada ka eryay Melissa Nelson isaga oo u sheegay in quruxdeeda ay halis ku tahay qoyskiisa, laakiin arintaasi haweenaydaasi umay cuntamin waxana ay dacwad maxkamadeed ku oogtey James oo ay u shaqeynaysay, iyada oo sheegtey in si aan sharciga waafaqsaneyn ay shaqadeedii ku wayday.
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:05 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada