Nin Darawal ahaa oo iska dhigay Sargaal Booliis Mudana ku shaqeesanayay oo gacanta lagu dhigay.

Nin Darawal ahaa oo iska dhigay Sargaal Booliis Mudana ku shaqeesanayay oo gacanta lagu dhigay.


Maxkamada kutaala Dalka Kenya ayaa dambiyo kala duwan ku heshay Nin Shacab Kenyan ah oo iska dhigay Sargaal sare oo katirsan Booliiska Dalkaasi .

Joshua Karanjahi Wayganjo oo ah Nin Kenyan ah ayaa Maxkamad kutaala Naivasha Dalka Kenya waxa ay ku heshay Dacwad la xariirta been abuurad ah in uu iska dhigay Sargaal sare oo katirsan Booliiska Dalka Kenya.

Ninkan hada Dambiga lagu helay ayaa horey u ahaa Darawal Gaari Bus ah balse shaqadiisii ku badalay shaqooyin been abuurad ah ah sida isaga oo iska dhigay Sargaal Booliis adeegsadayna darajooyin Ciidan uusan laheyn.

Ninkan oo Maxkamad lasoo taagay ayaa lagu heestaa labo Dacwad oo kala ah in uu isku ekeesiiyay Ciidanka Booiiska Kenya uusan shaqo ku laheyn iyo Xirashada Dareeska Ciidanka inkastoo dambiilahan dhamaan eedeemahaasi uu dafiray.

Ninkan Kenyanka ah ee lagu Magacaabo Waiganjo ayaa adeegsaday gaadiidka Booliiska isla markaana raacay helikabtarka Booliiska , waxa uu ka qayb-galay kulamo Booliis, oo waliba waxa uu shaqada ka eryay askar heer hoose ah, sida ay sheegeen dad kusoo eedeeyay Ninkan Dawcadahan.

Sargaal sare oo u hadlay Booliiska Dalka Kenay ayaa wax laga xumaaday ku tilmaamay Falkan uu ku kacay Ninkan Kenyanka ah uu sheegay in uu qaadan Jiray Mushaar Ciidan sidoo kale uu fadhiyay Xafiis isticmaali jirayna Gaadiidka Booliiska Dalka Kenya.
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:56 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada