Kabtanka Real Madrid Iker Casillas Oo Loogu Codeeyay Goolhayaha Ugu Fiican Sannadka.

Kabtanka Real Madrid Iker Casillas Oo Loogu Codeeyay Goolhayaha Ugu Fiican Sannadka.

Iker Casillas

Goolhayaha kooxda Real Madrid Iker Casillas ayaa loogu codeeyay goolhayaha ugu fiican sannadkan, abaalmarinta ay bixiso xiriirka caalamiga ee taariikhda kubada cagta iyo istaatistikada. (International Federation of Football History and Statistics.)
Waa markii shanaad oo IFFHS ay abaalmarintan gudoonsiiso Casillas kaasoo 224 cod ka helay joornaaliistayaal kala jooga dunida dacaladeeda, waxaana 96 cod uu ka badnaa ninkii ugu soo dhawaa oo ahaa goolhayaha Juventus Gianluigi Buffon.
Tartamayaasha kale waxaa ku jiray Petr Cech, Manuel Neuer, Joe Hart iyo Victor Valdes.
Casillas ayaa sannadkii hore waxa uu La Liga la qaaday Real Madrid, halka uu Euro 2012 sidoo kale ku hogaamiyay xulka Spain.
Waxaana abaalmarintan ay ku soo aadeysaa xilli booskiida Bernabeu uu su’aal ka keenay tababare Jose Mourinho.
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada