Man City Oo Dooneysa Inay Lacag Ku Hesho Balotelli Ka Dib Isku Dhicii Ugu Danbeeyay Ee Isaga Iyo Mancini.

Man City Oo Dooneysa Inay Lacag Ku Hesho Balotelli Ka Dib Isku Dhicii Ugu Danbeeyay Ee Isaga Iyo Mancini.

Macini Vs Mario

Manchester City ayaa diyaar u ah inay iska iibiso Mario Balotelli sida ugu dhaqsiyaha badan ka dib markii Roberto Mancini uu si qarsoon u qirtay inuu bedeli karin dabciga weeraryahanka reer Italy, sida ay qoreyso maanta jariirada Mail on Sunday.
Inkastoo uu ssaxaafada horteeda ka qarinayo tababaraha City inuu fursado badan siin doono Balotelli, hadana Mail on Sunday ayaa sheegeysa in la fahansan yahay in Mancini uu ugu danbeyn uu go’aansaday in Balotelli uu ka tago kooxda.
City ayaa dooneynin inay si cad u tiraahdo 22 jrikaan waa iib, si qiimihiisa uusan hoos ugu sii dhicin.
Laakiin Balotelli oo haatan aan waxba ku soo kordhineynin City islamarkaana dhaliyay kaliya hal gool horyaalka Premier League ayaa lagu eedeynayaa inuu qas iyo qalaanqa ka wado marka laga maqan yahay garoonka, Mancini ayaa dhowr jeer garab istaagay ciyaaryahanka inkastoo shaqaalaha kale ee kooxda ay ka soo horjeedeen, laakiin waxa uu haatan aqbalay inuu sameeyay wixii uu sameyn karay intii awoodiisa ah.
Mancini ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dhacdadii foosha xumeyd ee ka dhacday garoonka tababarka City maalintii khamiista, iyadoo la arkayay tababaraha iyo weeraryahankiisa oo isku hor jiidjiidadaya ciyaartoyda kale hortooda.
Mancini ayaana sheegay ka dib dhacdadaas inuu boqol fursadood siin doono Balotelli inuu isbedelo, isagoo xaqiijiyay inuusan ganaaxi doonin xiddigii hore ee Inter Milan islamarkaana uu qeyb ka ahaan doono kooxda caawa Etihad Stadium ku ciyaari doonta wareega 3aad ee FA Cup oo ay la ciyaarayaan Watford.

Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:56 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada