Magaalada Muqdisho oo hada ku jirta Marxaladii ugu fiicneed sanado badan kadib lagana la’yahay guri la dago(Warbixin)

Magaalada Muqdisho oo hada ku jirta Marxaladii ugu fiicneed sanado badan kadib lagana la’yahay guri la dago(Warbixin)

mugdisho

Magaalada Muqdisho tan iyo markii ay heshay iftiinka Nabada ayaa waxaa laga dareemayaa isbadal dhinacyo badan ah iyadoona hada Magaalada ay u muuqaneyso magaalo iska meyreesa waxii xuma ah ee horey uga dhacay.

Magaalada waxaa soo buux dhaafiyay dadkii sanado kahor ka barakacay kuwaa oo qaarkood u barakceen dalka dibadiisa gaar ahaan Wadamada Dariska iyo kuwa kale oo iyana u barakacay qaar kamid ah Gobolada Dalka.

Inta badan dadkii deegaanka ku ahaa Magaalada Muqdisho ayaa dib usoo laabtay Magaalada kuwaa oo guryahooda dib u habeestay iyadoona hada Magaalada laga la’yahay guri la dago oo kiro maadama guri kasta ay dageen dadkii lahaa iyo kuwa kale oo laga kireeyay.

Degmooyinka kala duwan ee Gobolka Banaadir ayaana laga dareemayaa saxmada dadka iyadoona hor mar laga gaaray dhismaha guryaha sidoo kale goobaha ganacsiga ee Magaalada uu sii baahay dad badana ay ganacsiyo kasameesteen.

Guriga Vilada ah waaba hadii la helo ayaa lagaa kireenayaa lacag u dhaxeysa 200-Dolllar ilaa 300-Dollar iyadoona hada markii guri aad u bahato ay kugu qaadaneyso in mudo ah in aad sugto waliba aad lacag ku siiso Muqalas gurigaa kusoo raadiya.

Guri la’aanta Magaalada waxaa uga sii daray Soomaali badan oo maalmahan dalka dib ugu soo laabaneysay gaar ahaan kuwa kasoo guuray Magaalda Nairobi kuwaa oo xaafadaha qaarkood qaali ka dhigay lacago badana ku dul falisay dadkii horey u dagnaa.

Waxaa hada aad u adag in la helo dhul Beec ah gudaha Magaalada Muqdisho maadaama dadka wax iska gadaya ay aad u yaryihiin qof kastana ay booskeeda banaan dhisaneeso kuwa kalana ay dib u dayactir kusameenayaan guryahooda si ay u dagaan ama u kireeyaan.

Arimahan oo dhan ayaana Muujinaya Nabada Magaalada Muqdisho ay heshay iyadoona xiligan Magaalada ay mareyso xiliyadii ugu fiicnaa dad badana ay ku dhiiradeen in dib ugu soo laabtaan ayna kasameeyaan hor mar lixaadleh.

Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:11 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada