Xuseen Carab Fanaan Jacel In Gabdhaha Ya yar Heesaha Ay La Jilaan Daawo HD Video

Xuseen Carab Fanaan Jacel In Gabdhaha Ya yar Heesaha Ay La Jilaan Daawo HD Video

xuseen carab

Fanaanka Xuseen Carab oo ah fanaan inta badan jacel heesaha in ay la jilaan gabdhaha yar yar ee jacel aflaanta Hindiga, ayaa soo saray sanada cusub hees la magac baxday Daauus .

Heestaan Cusub fanaanka Xuseen Carab, Waxaa la jilayay gabar aad u yar oo  magaceeda lagu sheegay Sihaam taas oo inta badan fanaanka uu dhaxda ka qabsanayay gabadha aadka uga yar ee sida ka muuqata wajigeeda xiisaynayso fanka.

Xuseen carab ayaa  sanadii hore hees sidaan oo kale  la soo jishay gabar aad u yareed taas isku jajabinaysay sida atariishooyinka jila filimaanta hindiga ay xiisayaan qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed.

Fanaanka Xuseen Carab ayaa horay u ahaa Atoore jilo aflaanta loo ekaysiiyay filimaanta hindiga oo ka soo bixi jiray studio Alfaghi oo ku yaalay magaalada muqdisho gaar ahaan xafada Xamar weyne.

Sido kale Xuseen Carab ayaa markii danbe guursaday Fananada Nimco Xasan waxuuna ahaa markaas musigiiste musiga u tuma fananada Nimco Xasan oo hadda ku nool magaalada Muqdisho.

Xuseen carab hadda waa fanaan inta badan qaada heeso leh laxanka heesha hindiga ,waxuuna inta badan ku soo jiita gabdhaha yaryar ee jacel aflaanta hindiga ee lagu fasiro Afsoomaaliga.

Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:07 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada