Wargeys : Man United Oo U Dhaw Saxiixa Radamel Falcao, Qarashkiisa Ayay Bixiyeen.

Wargeys : Man United Oo U Dhaw Saxiixa Radamel Falcao, Qarashkiisa Ayay Bixiyeen.

daajis.com:-Wargeyska Marca ee ka soo baxa Spain ayaa qoraya in weeraryahanka Athletico Madrid  Radamel Falcao uu u dhaw yahay in uu ku biiro kooxda Man United marka xilli ciyaareedkaan uu dhamaado .

Wargeyska Marca ayaa tilmaamaya inkastoo bilihii la soo dhaafay saadaasha tilmaameysay in Falcao laga yaabo in uu u wareego kooxda Chelsea ama City ayaa haatan la tilmaamayaa in United kooxahaas kaga dhaw dahahay in ay helaan saxiixa laacibkaasi .

Iyadoo la xusayo in United ay horay u bixiyeen qiimaha hishiiska laacibkaas oo dhamaan isku noqonaya 55 milyan oo euro sida ay horay u sameeyeen markii ay la soo wareegayeen gool haye De Gea laba xilli ciyaareed ka hor .
Haddii wararkaan wargeyska Marca uu sheegay in uu ka helayo ilo wareed lagu kalsoon yahay ay sax noqdaan wax uu ugu yaraan warkaan xoojinayaa in Rooney ay kaga dhamaatay United uuna aadayo PSG ama Bayern Munich midkood kuwaas oo horay u shaaciyay in ay doonayaan saxiixa laacibkaas .
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada