Kofi Awoonor oo ahaa gabyaa caan ka ah Africa lagu dilay Westgate Mall Nairobi

Kofi Awoonor oo ahaa gabyaa caan ka ah Africa lagu dilay Westgate Mall Nairobi

daajis.com:-Professor Kofi Awoonor oo 78jir ahaa wuxuu ahaa gabyaa caan ka ah qaarada Africa,gaar ahaan dalkiisa hooyo ee Ghana,waxaana maalintii sabtida lagu dilay caasimada Kenya ee Nairobi.

Dhimashadiisa waxaa xaqiijisay dowlada Ghana maalintii axada,gabyaaga u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray shilkaas,waxaa sidoo kale la sheegay in Koffi wiilkiisa uu garabka ka dhaawacmay.



Gabyaaga ayaa u tagay magaalada Nairobi inuu qudbad ka jeediyo dabaaldega Storymoja Hay Festival oo ay isugu imaadeen qoraayaal,taasoo abaalmarino lagu bixinayo.

Koffi Awoonor wuxuu ka mid ahaa suugaanyahanada ugu caansan Ghana.

Sanadkii 1975 waxaa la dhigay xabsiga,sababo la xiriiro inuu gacan ka geystay isku day lagu afgembinaayey xukunkii militeri ee dalka gaana ka jiray.1990 ilaa 1994 wuxuu noqday safiirka Ghana u fadhiya qaramida midoobay.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada