Wararkii ugu Dambeeyay ee Weerarka Nairobi

Wararkii ugu Dambeeyay ee Weerarka Nairobi

daajis.com:-Rasaas ayaa maanta mar kale laga maqlay dhowr jeer gudaha dhismaha Ganacsiga ee Westgate ee magaalada Nairobi, saacado un ka dib markii saraakiisha amaanka Kenya ay sheegeen inay gacanta ku dhigeen maamulka dhismahaasi oo ay sadexdii maalmood ee la soo dhaafay xoog ku heysteen dagaalyahanno islamiyiin ah oo al-qacida lala xiriiriyay.
 
Rasaasta ayaa la maqlayay saakay waaberigii maanta oo talaada ah goobtaasi loo adeegga tago ee Westgate ee bartamaha magaalada Nairobi, waxaa hadana mar kale rasaas kale laga maqlayay goobtaasi sadex saacadood ka dib rasaastii hore.
 
Wasaaradda arimaha dibadda ee Kenya ayaa sheegtay gelinkii dambe ee Isniintii shalay in ciidamada amaanka Kenya ay dhismahaasi weyn qeyb qeyb u hubinayeen si ey u ogaadaan hadii ay jirto cid weli ku dhex jirta, iyo in dhamaan dadkii la heystayaasha ahaa dhamaantood la badbaadiyay.
 
Ilaa iyo 62 qof ayaa ku dhimatay weerarkan oo soo bilowday Sabtidii la soo dhaafay markii rag hubeysan ay xoog ku galeen xaruntan ganacsi ee aadka u mashquulka badneyn.
 
Israsaaseyn dhex martay raggan iyo ciidamada amaanka iyo kooxdan ayaa waxaa ku dhintay sadex ka mid ah raggii hubeysnaa ee dhismaha qabsaday waxaana ku dhaawacmay 11 qof oo kale. Masuuliyiintu waxey sheegayaan inay soo xireen ugu yaraan 10 qof oo looga shakiyay inay ku lug lahaayeen weerarkan.
 
Kooxda Mintidka ah ee Somalia ee al-Shabab ayaa sheegtay in dagaalyahanadeeda ay masuul ka yihiin weerarkan.
 
Hase yeeshee saraakiisha Kenya ayaa sheegaya inay iyana aaminsanyihiin in dagaalyahanadda weerarkan fuliyay ay ka soo kala jeedaan dhowr wadan.
Wasiirka Arimaha Dibadda ee Kenya Amina Maxamed ayaa u sheegtay warbaahinta in laba ilaa iyo sadex muwaadin oo u dhashay mareykanka oo asal ahaan ka soo jeeda Somalia ama dalalka Carabta iyo muwaadin u dhashay dalka Britain ay ka qeyb qaateen weerarkan.

Afhayeen u hadlay Aqalka Cad oo la yirahdo  Ben Rhodes ayaa sheegay in Mareykanka uu mudda dheerba walaac ka qabay Kooxda al-Shabab ee Somalia oo askareyn iyo tashkiilin ku heysay dhalinyarada Mareykanka sidii ay dagaalada Somalia uga qeyb qaadan lahaayeen, iyo in dowladda ay baaris ku heyso wararka sheegaya in muwaadiniin Mareykan ah ay ku lug leeyihiin weerarka dhismaha Westgate.

Wararka la xiriira heybta ama dhalashada kuwa weerarkan geystay ayaa la iska dhex marayaa. Wasiirka Arimaha Gudaha ee Kenya Joseph Ole Lenku ayaa sheegay in dhamaan dadka weerarkan ka qeyb qaatay ay yihiin rag, laakiin qaar ka mid ah ay sidii dumarka oo kale u soo labisteen.

Inkastoo Joseph Ole Lenku uu sidaasi sheegay, ayaa mid ka mid ah saraakiisha sir doonka ee Kenya iyo laba ka mid ah askarta Kenya ee howlgalka ciidamada ay ka wadaan dhismahan ka qeyb qaadanaya, waxey u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters in mid ka mid ah mintidiinta lagu dilay howlgalka ay aheyd haweeney cadaan ah.

Hadalkan ayaa xoojinaya ku tiri ku teen la isla dhex maryay oo aheyd in qofka dumarka ee cadaanka ah ay aheyd haweeneydii uu ka dhintay mid ka mid ah ragii fuliyay qaraxyadii bambaano ee ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay saldhigga tareenka dhulka hoostiisa mara ee magaalada London ee dalka Britain sanadii 2005tii, weerarkaas oo ay ku dhinteen in ka badan 50 qof .

Haweeneydan oo ay warbaahinta Britain ugu yeerto “Carmalkii Cadaa”  oo magaceedu yahay Samantha Lewthwaite ayaa loo doon doonayaa tuhun ah inay ku lug laheyd shirqool la doonayay in lagu weeraro hoteello iyo makhaaxiyo ku yaala dalka Kenya.

Mar la weydiiyay in haweeneyda howlgalkan ku dhimatay ay aheyd Lewthwaite iyo in kale ayuu sarkaalkaasi sirdoonku uu ku jawaabay “Ma garaneyno.”
Al-Shabab ayaa sheegtay in weerarka uu aargudasho u ahaa faragelinta military ee ay ciidmada Kenya ku galeen Somalia, waxeyna dalbaneysaa kooxdu in ciidamada Kenya ay ka baxaan Somalia- dalabkaas oo ay dowladda Kenya gaashaanka u daruurtay.

Ciidamada Kenya ayaa galay Somalia oo ay derisyihiin laba sanadood ka hors i ey dowladda Somalia uga caawiyaan in al-Shabab xididada loo siibo, iyo inay ka hortagto weeraro ay kooxda ka geysaneysay dhulka xuduuda Somalia ay la wadaagto ku yaala ee gudaha Kenya.

Laga soo bilaabo dalka Mali, Algeria, Nigeria ilaa iyo Kenya, kooxo Islamiyiin ah oo gacan ka hadal geysanaya, oo ka faa’ideysanaya faqriga, colaadda, sinaan la’aanta iyo siyaasadda oo aan loo dhameyn ayaa dalalkaasi ku talaalayay fikrado xag jirnimo ah oo ay ka buuxaan naceybka ka dhanka ah dadka heysta diinta masiixiyadda iyo dadka u dhashay reer galbeedka, waxeyna kooxahaasi halis ku hayaan danaha caalamiga ah, labadaba dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaan.
John Campbell, oo horey u soo noqday safiirka Mareykanka u fadhiya Nigeria, ayaa sheegay inuu aaminsanyahay in kooxaha kacdoonka wada sida kuwii ka kacay Mali oo kale sanadkii la soo dhaafay, kooxda Nigeria ee Boko Xaram iyo kooxdan hadda weerartay Xarunta Ganacsi eek u taala Nairobi inay dhamaantood yihiin kooxo qeyb ahaan ka dhashay carro ay u qaadeen maamul xummo iyo kaligii talisnimo ka jirta hogaanka dalalka Africa.

Madaxweynaha Mareykanka  Barack Obama ayaa sheegay inuu si toos ah ula hadlay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, isla markaana uu Kenya u fidin doono wax kasta oo ay ciidamada Mareykanka iyo hay’adaha sir doonka ugu baahanyihiin.
 
Madaxweyne Obama ayaa sheegay inuu ku kalsoonyahay in Kenya ay ka soo kaban doonto weerarkan, wuxuuna dalkaasi ugu yeeray mid ka mid ah dalalka Africa ee ugu nabdoon ee ay dimuquraadiyaddu ka hana qaaday.
Dadka lagu dilay Xarunta Westgate ee Nairobi Sabtidii ayaa waxaa ku jiray dad u dhashay Britain , Canada, China, France, India iyo South Korea.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa wacad ku maray in dowladiidu ay gacan bir ah kaga hortagi doonto argagixisada, isla markaana si dhaqsa ah ciqaab loo marin doono kuwa geystay weerarkan arxan darrada ah ee xanuunka badan. Madaxweynaha ayaa sheegay in weerarkan uu shaqsiyan ku waayay wiil uu eysin u yahay iyo saaxibtiis.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada