Wasiirka A/gudaha Kenya oo soo bandhigay Fakirkii Westgate lagu qaban lahaa iyo Madaxda Kenya oo carro ka qaaday Fakirkaasi.

Wasiirka A/gudaha Kenya oo soo bandhigay Fakirkii Westgate lagu qaban lahaa iyo Madaxda Kenya oo carro ka qaaday Fakirkaasi.

daajis.com:-Sida laga soo xigtay Warbaahinta Kenya, Wasiirk Arimaha Gudaha Kenya, ayaa waxa uu Wasaaradda Gaashandhiga iyo Madaxda Dalka usoo bandhigay Fakir ah in gabi ahaanba Xarunta Ganacsiga ee gacanta ugu jirto Kooxaha hubeysan lagu qaado weerar dhanka circa.

Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in halista Kooxda ku jirta gudaha Xarunta ay tahay mid aan kusoo idlaaneyn si sahal ah balse looga bad-baadi karo in loo adeegsado duqeymo dhanka Cirka ah si looga badbaado dhibaatooyinka kasii dhalan kara Khasaaraha ay geysanayaan.

Dhanka kale, Warbaahintu waxa ay intaa ku dartay in Fakirkaasi ay kasoo horjeysteen Mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Madaxweyne Uhuru Kenyaatta iyo ku-xigeenkiisa oo sheegay in Duqeynta ay dhalineyso dhibaatooyin badan, isagoona Mr. Kenyatta Tilmaamay in xarunta ay ku jiraan Shaqsiyaad Ajaanib ah oo haddii la duqeeyo Dhaliilo iyo eedeymo uga imaankaro dhanka Dowladaha Ajaanibtaasi ay kasoo jeedan.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in Duqeymo loo adeegsado xaruntaasi ay sababi karto in Dowladiisu ay halkaasi ku weyso xiriirkii kala dhexeeyay Beesha Caalamka maadaama uu yiri ay xarunta ku jiraan Ajaanib farabadan.

Ugu dambeyntii, Madaxweyne Kenyatta ayaa waxa uu Wasaaradda Arrimaha gudaha, Gaashaandhiga iyo Saraakiisha Ammaanka ku wargaliyay inaan la adeegsan Karin wax duqeymo ama weerar cad ah oo lagu qaado Xaruntaasi. 
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:12 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada