Afhayeenkii iyo la Taliyihii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo is casilay

Afhayeenkii iyo la Taliyihii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo is casilay

daajis.com:-Warar hoose oo laga helayo Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in uu is casilay Afhayeenkii Madaxweynaha Soomaaliya ahaana la taliye sare ,Eng Cabdi Raxmaan Cismaan Cumar (Yariisow).

Sida Wararka aan ku heleyno Eng.Yariisow ayaa si rasmi ah Warqada istiqaalada Iscasilaada waxa uu maalintii shalay u gudbiyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin in uu madaxweynuhu aqbalay iscasilaadaasi iyo in kale.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sanad kahor waxa uu Xilka Afhayeenka Madaxtooyada iyo la taliye sare u Magacaabay Eng Cabdi Raxmaan Cismaan Cumar (Yariisow), oo xiligaa ahaa Agaasimihii Idaacada Bar-Kulan

Si rasmi ah looma oga sababta ka dambeesa is casilaada Afhayeenkii Madaxtooyada Soomaaliya , waxaana soo baxaya Warar aan la hubin oo sheegaya in Culeesyo badan Eng.Yariisow uu kala kulmayay mudooyinkii dambe Kooxda Dam Jadiid oo saameyn badan ku leh Siyaasada Madaxtooyada.

Eng Cabdi Raxmaan Cismaan Cumar (Yariisow), ayaa labo mar waxa uu Wasiir kasoo noqday Xukuumadiihii KMG ee Soomaaliya, isagoo soo qabtay Xilka Wasiirka Warfaafinta iyo Wasiirka lacagta ,lamana oga hadii uu ka tago Xafiiska Madaxweynaha in uu Siyaasada ka fariisanayo iyo in kale.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:31 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada