Al-Shabaab oo dhadhaab kasoo qafaalatay gaari ay leedahay UNHCR

Al-Shabaab oo dhadhaab kasoo qafaalatay gaari ay leedahay UNHCR

daajis.com:-Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya kooxo katirsan Al-Shabaab, oo gaari ay leedahay Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR.

Saraakiil u hadlay xukuumadda dalka Kenya ayaa sheegay in gaarigan ay lahayd Qaramada Midoobayay afduubeen xoogag ka tirsan Xarakada Al-Shabaab, saaka oo Arbaco ah aroortii hore.

Guddoomiyaha deegaanka Faafi, Geoffrey Taragon wuxuu u sheegay warkaaladda wararka Shiinaha ee Shinwaa in saddex xubnood oo ka tirsan ururka Al-shabaab ay gaariga oo noociisu ahaa Nissan Patrol aduubteen kaddib markii ay rasaas ku fureen darawalkii gaariga, kaasoo uu dhaawac gaaray.

“Waxaan xaqiijin karnaa in gaariga loola tallaabay dhinaca Soomaaliya, waxaana socda dadaallo lagu doonayo in lagu soo qabto,” ayuu yiri Geoffrey Taragon.

Laakiin ku xigeenka Wakiilka UNHCR ee dalka Kenya Abel Mbilinyi ayaa sheegay in Ciidamada Boliiska Kenya ay gaarigii la afduubtay ka heleen meel 40 KM u jirta Xeradda qaxootiga ee Dhadhaab.

Hay'adda UNHCR ayaa labo sano ka hor howlihii ay ka watay xuduuda Soomaaliya iyo xeryaha Qaxootiga Kenya joojisay kadib markii lagu bartilmaameedsaday shaqaalaheeda.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:38 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada