Daawo Sawirada:- Ra'iisul wasaaraha oo dhagax dhigay iskuul lagu baran doono duulimaadka

Daawo Sawirada:- Ra'iisul wasaaraha oo dhagax dhigay iskuul lagu baran doono duulimaadka

daajis.com:-Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiwali Sh. Axmed Maxamed ayaa maanta dhagax dhigay Dugsi lagu baran doono Tababarka Duulimaadka rayidka oo laga dhisayo gudaha Garoonka Caalamiga ah ee Aaden Cadde.

Dugsigan ayaa waxaa hirgelintiisa iska leh Dowladda Turkiga, iyadoo ay dhiseyso Hay'adda TIKA oo ah shirkad Turki ah oo gacanta ku hayso howlaha garoonka diyaaraddaha Muqdisho.

Dhagaxdhiga garoonka ayaa waxaa ka qeybgalay Ra'iisul Wasare Cabdiweli Sheekh Axmad, Gaadiidka Cirka iyo Dhulka, Wasiirka Maaliyadda, Wasiir Ku-xigeenka Gaadiidka, Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Wakiilka Hay’adda Tika iyo Maareeyaha Guud ee Garoonka Aaden Cadde.
Iskuul-duulimaad-1
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale booqasho ku soo maray goobta laga dhisayo terminalka cusub ee uu yeelanayo Garoonka Diyaaradaha ee Aaden Cadde, kaas oo ah mashruuc ay maal galinayso shirkadda FAVORI oo gacanta ku haysa garoonka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu uga mahadcelinayo dowladda Turkiga dadaalka aan kala go’a lahayn ee ay ku bixinayso dib-u-dhiska dalka, iyadoo mashruucaan cusub uu qayb ka yahay tayeeynta hay’adaha dowladda.

“Dugsiga Tababarka Duulimaadka waa machad sare u qaadaya xirfadda shaqaalaha ka howl-gala garoomada Soomaaliya, waxaana looga maarmayaa in tababarro lagu soo qaato dalka dibaddiisa. Waxaan mahad balaaran u soo jeedinayaa dowladda Turkiga oo taageero hagar la’aan ah la garab taagan shacabka Soomaaliyeed, qayb weynna ka qaadanaysa dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli.

Tallaabadan ayaa ah mid horumar u ah bulshada Soomaaliyeed, iyadoo ay qeyb ka tahay dadaalada ay Dowladda Turkiga ka wato Soomaaliya.
Iskuul-duulimaad-2Iskuul-duulimaad-3Iskuul-duulimaad-4Iskuul-duulimaad-5Iskuul-duulimaad-6Iskuul-duulimaad-7

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada