Daawo Video:- Faah faahin dheeraad ah oo kasoo baxaya Qaraxa caawa ee Nairobi + sawirro

Daawo Video:- Faah faahin dheeraad ah oo kasoo baxaya Qaraxa caawa ee Nairobi + sawirro

daajis.com:-Warar hor dhac ah oo iminka aynu ka helnay qaraxa caawa ka dhacay saldhigga booliska ee Bangaani ayaa ku warramaya inuu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Ugu yaraan Afar qof oo labo ay yihiin saraakiil ka tirsan ciidamada Boolis kenya ayaa ku dhintay, qarax loo adeegsaday gaari oo ka dhacay bannaanka saldhiga Booliska Pangani oo u dhow xaafada ay Soomaalida degto ee Islii.


Qaraxa oo ahaa mid xoogan oo saameyn ku yeeshay xaafada Pangaani iyo Islii ayaa waxaa ku dhaawacmay Tobaneeyo qof.

Ciidamo Boolis ayaa saldhiga soo buuxiyay, kuwaasi oo xeray wadooyinka, waxaana xaafada Islii laga dareemayaa cabsi fara badan.

Qaraxan ayaa wuxuu kusoo beegmay todobaad kadib markii howlgal ka dhan ah Soomaalida uu ka bilowday Kenya, iyadoo xabsiyada ay ku jiraan in ka badan 600 qof oo Soomaali ah.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:31 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada