Daawo Sawirada:- Real Madrid oo guul muhiim ah ka gaartay Bayern Munich lugta hore ee Sema Final Champions League

Daawo Sawirada:- Real Madrid oo guul muhiim ah ka gaartay Bayern Munich lugta hore ee Sema Final Champions League

daajis.com:-Kooxda Real Madrid ayaa guul muhiim ah ka gaartay lugta hore ee Sema Final-ka Koobka Champions League, iyadoo ku hamineysa in markii 10aad ay qaado Koobka Champions League.


Ciyaar ka dhacday garoonka Santiago Bernabue ayaa waxa ay Real uga badisay kooxda difaacaneysa koobkan ee Bayern Munich gool iyo waxba.

Real Madrid ayaa dar dar ku soo gashay qeybtii hore ee ciyaarta, iyagoo helay fursado goolal loo fishay, waxaana Tababare Angelotti uu ku soo bilaabay Cristiano Ronaldo oo dhaawac uga maqnaa kooxda, iyadoo xidigan uu dadaal badan ugu jiray inuu gool dhaliyo, si uu u jebiyo rikoorka gool dhalinta Champions League.

Mid ka mid ah fursadihii dahabiga ahaa ee soo maray Real Madrid waxaa gool u bedelay Karim Benzema daqiiqadii 19aad ee qeybtii hore ee ciyaarta, kadib markii kubad uu xerada ganaaxa la soo galay ciyaaryahan Fabio Contreo uu ka helay baas aad u wacan, waxaana isagoo aan qalad gelina uu kubada si saraaxad leh shabaqa ugu hubsaday.

Daqiiqado kadib Cristiano Ronaldo ayaa kubad gool loo fishay hawada ku tolay, markii uu karoos loo keenay, oo uu si nadiif ah ku helay xerada ganaaxa gudaheed uu kubadii cirka marsiiyay, iyadoo u furneyd goolka, waana fursad aad muhiim ugu aheyd Real inay hogaanka ku sii dheereysato.

Ronaldo ayaana halgan weyn ugu jiray caawa inuu gooshiisa 15aad ee Champions League uu dhaliyo, si uu rikoor cusub ugu dhigo gool dhalinta Koobkan oo 14 gool uu horay u dhaliyay Lionel Messi.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay gool iyo waxba oo ay ku hogaamineysay Real Madrid, hase ahaatee qeybtii labaad ayaa Bayern Munich ay la soo gashay dar dar ka duwan qeybtii hore, waxaana ay ciyaaryahanadeeda oo si wanaagsan isula jaan qaadayay kubada oo dhan ay u diideen ciyaaryahanada Real oo garan la'aa qaab ay kubada uga qaataan.

Bayern Munich ayaa kubada maamuleysay qeybtii labaad oo idil, waxaana fursado qaarkood ay ahaayeen dhif iyo naadir ay helayeen, waxaase cajiib ahaa feejignaanta daafacyada Real sida Ramos iyo Pepe oo iska difaacayay hujuumka ka imaanayay Roben, Rebery iyo Mandzukic.

Ronaldo oo dadaal badan ugu jiray inuu helo goolkiisa 15aad Champions League ayaa fursad kale oo uu helay waxaa ka bad baadiyay goolhaye Neur, waxaana kadib lagu bedelay xidiga aduunka ugu qaalisan Gareth Bale daqiiqadii 70aad.

Tababaraha Bayern Muncih Pep Guardiola ayaa sameeyay bedelo mataano ah, sida Mario Gotze oo uu ku bedelay Ribery iyo Thomas Muller oo uu ku bedelay Schwenisteiger, si uu natiijada ciyaarta wax uga bedelo.

Sidoo kale Real Madrid waxaa ka dhaawacmay daafacii birta ahaa Pepe, waxaana lagu soo bedelay daafaca reer Farance Varane.

Goolhaye Casilas ayaa kubad halis aheyd oo gool loo fishay ka bad baadiyay ciyaaryahan Mario Gotze daqiiqadii 83aad, waxaana wixii markaas ka dambeeya cadaadiska ku sii kordhayay Real, oo isku dayeysay inay goolkeeda difaacato.

Dhamaadkii ciyaarta ayaa ciyaaryahan Muller ku dooday rigoore, markii kubad diilinta dhexdeeda uu is lahaa ku laab goolka Real uu si xanaf ku jirta kaga qalday Alonso, waxaana buuqiisa dhag jalaq u siin Garsoore Haward Web oo ciyaarta garsoorayay.

Ugu dambeyn ciyaarta ayaa ku soo dhamaaday gool iyo waxba oo Real ay guusha ku raacday, waana wax iska caadi ah in lugta hore ee Sema Finalka marka ay isku soo aadaan labadan kooxood in Real ay gurigeeda ku soo badisay, labo sano ka hor ayaa Real 2-1 gurigeeda ku badisay, balse lugtii labaad si la mid ah Bayern ayaa ku badisay, taasoo rigoorayaal loo dhigay labada kooxood waxaa Final ugu soo baxday Bayern Munich, markii goolhayahooda Neur uu labo rigoore ka qabtay Ronaldo iyo Kaka.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:02 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada