Daawo Sawirada:- Kulankii Golaha Wasiira ee Maanta oo lagu magacaabay Guddoomiyaha Bangiga & ku-xigenkiisa

Daawo Sawirada:- Kulankii Golaha Wasiira ee Maanta oo lagu magacaabay Guddoomiyaha Bangiga & ku-xigenkiisa

daajis.com:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta shir guddoomiyey kulanka joogtada ah ee golaha wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo looga hadlay ansixinta guddoomiyaha bangiga dhexe iyo ku-xigeenkiisa. Golaha ayaa sidoo kale ka hadlay maamul u samaynta gobolada iyo degmooyinka dalka, iyadoo arrintaasi go’aan laga gaaray.

Kaddib markii uu goluhu dhegeystay soo-jeedinta wasaaradda maaliyadda isla-markaasina uu dood ka yeeshay, ayuu isku raacay ansixinta soo-jeedinta wasaaradda maaliyadda ee ku aaddan in xilka guddoomiyaha bangiga dhexe ee Soomaaliya loo magcaabo Bashiir Ciise Cali, halka guddoomiye ku-xigeenna loo magcaabay Maryam Cabdullaahi Yuusuf.
1
“Aad ayaan ugu riyaaqsanahay go’aanka goluhu ku meelmariyey guddoomiyaha bangiga dhexe ee Soomaaliya.Bangiga dhexe waxa uu astaan u yahay maaraynta dakhliga dowladda iyo daah-furnaantooda.Waxaan filayaa in qorshaha dowladda ee abuuritaanka hay’ado dhaqaale oo shaqaynaya oo la’aamini karo ay wax ka tari doonto dadaalka ay Soomaaliya ku dooneyso in ay ku soo celiso sharafteedii” sidaasi ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli.

Dhinaca kale, Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa ka dooday samaynta maamulada goboolada iyo degmooyinka dalka. Golaha ayaa isku raacay in wasaaradda arrimaha guduhu ay u xilsaaran tahay fududaynta samaynta maamulada.

“Goluhu waxay aad uga doodeen samaynta maamulada iyagoo garwaaqsaday xaaladaha goobaha la xoreeyey iyo baahida degdegga ah ee loo qabo in maamulo loo sameeyo goobahaasi dhowaan la xoreeyey iyo kuwa kale ee la xorayn doono

“Golaha wasiiradu waxa uu go’aamiyey in wasaaradda arrimaha gudaha ay u xilsaaran tahay sahlidda maamul u samaynta gobolada iyo degmooyinka dalka, iyadoo soo-jeedinta u soo bandhigaysa golaha wasiirada oo markaa go’aan ka qaadanaya” sidaasi ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli.
6

23



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:28 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada