daajis.com:-Maanta waxaan fursad u helay in aan booqdo Garoonka Kasaraani
ee magaaladan Nairobi. Waa goobta lagu hayo dad fara badan oo intooda
badan laga soo qabqabtay xaafadda Eastleigh inta kalena magaalooyinka
Kenya.
Waxaan goobta ku arkay dad dhowr boqol aan ku qiyaasay, in
badan oo ka mid ahna waan isla hadalnay. Qiyaasteyda dadka aan arkay
barkood am ka badan waa haween.
Waxaan meesha ku arkay dad haysta waraaqo muujinaya in ay
qaxooti yihiin oo si sharci ah loogu aqoonsaday in ay Kenya ku
noolaaaan. Waxaa kale oo aan arkay ugu yar hal gabar oo haysata
baasa-boor Soomaali ah oo uu u saaran yahay sharci deggenaasho Kenya oo
dhacaya Agoosto 2014.
Waxaase dhulku ila wareegay, awood darrana aan dareemay,
markii aan arkay hooyo Soomaaliyeed oo ilmo yar oo dhowr bilood jira
xambaarsan haysatana sharci caddeynaha in ay Qaxooti tahay. Ilmaha yar
afka isuma geynayo oo intaa wuu ooyayaa. Waxay hooyadii ii sheegtay in
ilmuhu xanuunsan yahay.
Markii aan calaacasheyda foolka ka saaray waxaan
dareemay in ay qandho luleyso. Waxay ii sheegtay hooyadii in dhowr
habeen ay meeshaas ku jirtay.
Waxaan weydiiyay ilmaha yar aabbahood. Waxay ii sheegtay in
markii iyada la soo xirayay afar maalmood ka hor isagana la xiray, meel
uu ku xiran yahayna aanay war u hayn. Welwel xoog lihi wuxuu ka hayay
afar carruur ah oo ay ka soo tagtay oo ay deriska kala soo dardaarantay.
Dhinac ka mid ah garoonka waxaa ka socda dadka oo qof qof
sawir looga qaadayo, fara laga qaadayo, lana baarayo dalka Kenya waxaa
uu qofkaas xog ka hayo. Waxay booliisku ii sheegeen in habkaas lagu kala
saari doono dadka.
Waan ku il goday, in mudda ahna u fiirsaday. Nidaamka ay
howsha ku wadaan waa mid aad iyo aad u gaabiya. Wakhti badan qaadan
doona.
Markii aan booliiska ka codsaday in ay haweenka carruurta
wata ugu hormariyaan waxay ii sheegeen in ay haweenka oo dhami ay ragaa
ka horreynayaan. Laakiin qolka sawirka iyo faraha lagu qaadayo intii aan
ku jiray wiil iyo laba gabdhood nidaamkaa la marsiiyay, wiilkaana ka
horreeyay gabdhaha. Haween badan oo aan weli habka la marsiinna wey
hawirnaayeen.
Dadka aan arkay waxaa ku jiray dad aan Soomaali ahayn. Waxaa
ku jiray islaamo waayeel ah. Waxaa ku jiray carruur. Waxayse u
badnaayeen Soomaali. Umana ekeyn nooc argaggixisnimo looga shakin karo.
Booliisku waxay noo sheegeen in raashinka laga dalbay
sharikad gaar loo leeyahay., taas oo uu uga jeedo in raashinka tayadiisu
ay wanaagsan tahay. Xilli raashin ma ahayn xilliga aan tegey, laakiin
koobab meesha daadsanaa waxay ahaayeen kuwo tayo wanaagsan, nadiifna ah.
Waxaa kale oo Booliisku ii sheegay in musquluhu ay wanaagsan yihiin
welibana waxay damceen in ay i geeyaan, aniga ayaase ka gaabsaday.
Markii aan saaka Kasaraani tegey ilaa iyo hadda waxaa iga hor
muuqda ilmiha yar ee qandhadu ay hayso oo haddana maxbuus ah, cid u
maqanina aanay jirin. Keliyana u baahan in sharciga hooyadiis ay haysato
in lagu xaq dhowro. Nin Kenyan ah oo aan wada soconnay wuxuu igu yiri,
Ilmahaas yar in uu meesha ku dhinto ayaan ka baqayaa.
Bal ka feker haddaad xaaladdaas ku jiri lahayd, cid kuu
maqanina aanay jirin. Bal dhowr daqiiqo oo keliya ka feker taas, oo
akhriska qormadan waad sii wadi doontaaye hadda halkaas ku jooji.
Qof kasta oo Soomaali ah waxaan ka codsanayaa in Dowladaha
Kenya iyo Soomaaliya iyo hey’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay, UNHCR,
uu culeys ku saaro in dadkaas xorriyaddooda loo soo celiyo sida ugu
dhakhsiyaha badan. Hadday Kenya joogayaan iyo haddii Soomaaliya lagu
celiyayana si dhakhsa leh loogu dhaqaaqo. Inta xanuunsanna hadda lala
gaaro daryeel caafimaad.
Waxaan u mahadcelinayaa, Danjire Maxamed Cali Americo, iyo
Safaaraddeenna Nairobi, oo ii suurta geliyay booqashaas iyaga oo ka
jawaabaya codsigeyga oon u gudbiyay aniga oo aan weli garoonka
dayaaradaha ee Nairobi aan soo dhaafin.
Baraha internetka waan u fasaxayaa in ay soo dabacaan qeylo dhaantan haddaysan wax ka beddeleyn.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 11:39 and have
, Published at