Shabakada Daajis.com oo heshay Warqadii qaar ka mid ah Golaha Wasiirada ay u qoreen Ra’iisul Wasaaraha (Akhriso)

Shabakada Daajis.com oo heshay Warqadii qaar ka mid ah Golaha Wasiirada ay u qoreen Ra’iisul Wasaaraha (Akhriso)

daajis.com:- ayaa heshay warqad ay xalay u qoreen ilaa 14 Wasiiro oo ka tirsan Xukuumada, kuwaasoo kaga dalbanayay Ra’iisul Wasaaraha inuu is casilo, iyadoo warqadan ay ku qornaayeen magacyada 16 wasiiro, hase ahaatee ay saxiixeen 14 ka mid ah.

Wasiiradan ayaa sheegay inay rajo beel tahay wada shaqeyn fayow oo dhex marta Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, sidaas darteed ay haboon tahay in Ra’iisul Wasaaruhu yahay shaqsiga kaliya ee fududeyn kara xaalada cakiran, si arrinta loo soo afjaro oo ay ula jeedeen inuu is casilo.

Talada Wasiiradan ayaa gundhig uga dhigay Badbaado qaran oo ay ula jeedeen xaalada meesha ay taagan tahay iyo heerka khilaafka Madaxweynaha inuu qarka u saaran yahay in dib loogu noqdo xaaladii madoobaa ee uu dalku soo maray.

Ra’iisul Wasaaraha oo maanta war saxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in aanay jirin warqad xafiiskiisa soo gaartay, isagoo ugu baaqay Golaha Wasiirada inay shaqadooda u gutaan si waafaqsan dastuurka.

Hadaba warqada ay qoreen Wasiiradan oo ay heshay Jowhar.com ayaa sidan u qorneyd:-




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:06 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada