Ceydiid Ilka-xanaf “Ciddii dastuurka dalka jibisa xukunkeedu waa dil”

Ceydiid Ilka-xanaf “Ciddii dastuurka dalka jibisa xukunkeedu waa dil”

daajis.com:- Gudoomiyaha Maxkamada sare ee dalka Ceydiid ilka Xanaf ayaa ka hadlay cawaaqibka uu leeyahay jabinta dastuurka dalka iyo waliba ciqaabka uu leeyahay Qofkii jabiya.

Mr Ceydiid ayaa shaaca ka qaaday in dastuurka dalka uu yahay lama taabtaan, islamarkaana Qof waliba uu dastuurka ka sareeyo, sidoo kale gudoomiyaha Maxkamada sare ee dalka oo sii hadlayay ayaa tilmaamay in Qofkii jabiyaa dastuurka xukunkiisa uu yahay xukun dil ah.

Wuxuu sheegay gudoomiyaha Maxkamada sare in Qof waliba looga baahan yahay inay ilaaliso dastuurka iyo sharciyada kale ee dalka u yaalo.

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Soomaaliya ayaa lagu eedeeyaa inay baal-mareen sharciga dalka.


Dadka siyaasada falan-qeeya ayaa ku tilmaamay is-qab qabsiga iyo dhibaatada dalka ka jirta qaarkood inuu sal u yahay qabyo qoraalka dastuurka hadii la saxana wax waliba ay hagaagayaan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada