Daawo Video:- Weerarkii Argagixiso Ee Lagu Qaadey Sydney

Daawo Video:- Weerarkii Argagixiso Ee Lagu Qaadey Sydney

daajis.com:-Nin hubeysan ayaa Sodomeeyo qof ku afduubtay Maqaayad laga qaxweeyo oo ku taal bartamaha magaalada Sydney ee dalka Australia, waxaana loo maleynayaa in ninkaasi uu aaminsan yahay afkaarta Jihaadiistayaasha.

Boqolaal boolis ah oo hubeysan ayaa isku geedaamay maqaayadan oo ah goob halbowle u ah degmo ganacsi,  Muuqaalo Fidiyow oo Telefishinka si toos ah looga sii daayay ayaa muujinayay dad ku dhex jira goobtan laga qaxweeyo oo gacmaha ay dariishadaha u saaranyihiin, isla markaana calan madow oo Ashahaadkana af carabi kula qoran tahay ayaa sidoo kale laga dhex arkayay muraayadaha goobta.

Boolisku waxey sheegeen in dadkii ku sugnaa xafiisyada ku dhow dhow halkaasi laga saaraay, guriga ay magaalada Syney ku caan baxday ee Opera House ayaa sidoo kale dadkii ku sugnaa laga daad gureeyay.



Jidadka ku dhow dhow goobtana waa la xiray.

Masuuliyiinta ayaa isku dayaya inay xiriir la sameeyaan dadka ku suggan gudaha goobtan laga qaxweeyo

Ra’isul wasaaraha Australia Tony Abbott ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ka sheegay in aan la ogeyn weli sababta iyo cidda ka dambeysa weerarkan.

Wuxuu sheegay in ujeedadan weerarkan uu yahay in dadka reer Australia argagax iyo cabsi lagu beero, wuxuuna ugu baaqay dadweynaha inay shaqooyinkooda si caadi ah u sii wataan.

Wuxuu sheegay in hay’adaha amaanka ee dalkaasi ay si xirfad leh uga jawaabayaan arintan dadkuna aysan isku mashquulin.

Goobtan lagu shaaho ayaa ku taala bartamaha magaalada Syney, halkaasoo ay buux dhaafiyaan dadka u dukaameysanaya xilliyada fasaxa ciidda Masiixiga oo foodda inagu soo heysa.

Dhismaha Baarlamanka  ee New South Wales State ayaa isna ku yaala dhowr dhismo meel u jirta halka uu weerarkan ka socdo.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:53 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada