Dhinacyadii Gal-Gaduud ku dagaalay oo uu ka soo baxay war cabsi abuuray

Dhinacyadii Gal-Gaduud ku dagaalay oo uu ka soo baxay war cabsi abuuray

daajis.com:- Dhinacyadii ka tirsanaa ururka Ahlu sunna ee shalay laga saaray degmada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud ayaa ku hanjabay inay weerar kale ku qaadayaan degmada Dhuusomareeb si ay ula wareegaan goobihii laga saaray.

Maxamed Axmed, oo sheegay inuu kamid garabkii shalay laga saaray degmada Dhuusomareeb ayaa sheegay inay wadaan qorshe ay dib ugula wareegayaan goobihii shalay ay ka qabsadeen ciidamada dowlada Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in kooxo hubeysan ay ahaayeen ciidamadii shalay ka qabsaday degmamda Dhuusomareeb ayna dib kaga qabsan doonaan,sida uu hadalka u dhigay.

“Qaar waxay ku sugan yihiin bartamaha magaalada, qaarkalana waxay ku sugan yihiin dhinacyada magaalada, waxaan magaalada ka saareynaa kooxda burcad badeeda iyo ciidamada kale’ayuu yiri Maxamed Axmed oo ahlu sunna ka tirsan.

Wuxuu dhanka kale sheegay in ciidamadooda ay isku diyaariyeen sidii magaaladaasi ay u qabsan lahaayeen, ayna iska soo urursadeen duleedka degmada Dhuusomareeb iyo degmada Guriceel, sida uu hadalka u dhigay.

Maamulka dowlada Soomaaliya ee degmadaasi ayaa shalay sheegay inaysan Ahlu sunna kula dagaalamin magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada