Sawirro: Kulan xasaasi ahaa oo ka dhacay garoonka Kismaayo & Laba qodob oo laga soo saaray

Sawirro: Kulan xasaasi ahaa oo ka dhacay garoonka Kismaayo & Laba qodob oo laga soo saaray

daajis.com:-Waxaa saaka Magaalada Kismaayo gaaray wufuud heer caalami ah oo ka kala socotay midowga Yurub iyo IGAD.

Wufuudan ayaa islamarkiiba kulan albaabada uxiran yahay garoonka diyaaradaha kula galay Madaxda Maamulka Jubbaland.

Kulankan oo saaka bilowday ayaa waxa uu soo idlaaday abaaro 2:00 duhurnimo, iyadoona markii uu soo gabagaboobay wafuuda iyo Madaxweynaha Jubbaland ay shir Jaraa’id ku qabteen Garoonka Kismaayo oo aheyd goobta uu shirka ka dhacay, waxa ayna ka warbixiyeen shirkooda.

Kulanka ayaa waxaa kasoo baxay laba qodob oo kala ah sidii Maamulka Jubbaland looga taageeri lahaa dhanka Amniga iyo Dhameystirka Arrimaha ku xeendaaban Siyaasadda.

Dhanka kale, Wufuuda ayaa Maamulka KMG Jubba u balanqaaday inay ka taageeri doonaan dhanwaliba, si maamulka uu u hanaqaado, Inkastoo shirka uu yahay mid aan farakaqodneyn, waxaana la filayaa in Kismaayo ay gaaran Mas’uuliyiin ka tirsan DF iyo Mamaulka Seddexda Gobol ee Koofur Galbeed Somalia.








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada