Madaxweynaha oo ku dhawaaqaya saacadaha soo socda R/wasaaraha

Madaxweynaha oo ku dhawaaqaya saacadaha soo socda R/wasaaraha

daajis.com:-Waxaa soo xoogeysanaya hadal heynta ku aadan in Madaxweynuhu uu saacadaha soo socda qorsheynayo inuu magacaabo Ra’iisul Wasaare, waxaana ay u badan tahay in loo magacaabi doono Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo horay Ra’iisul Wasaare u soo noqday sanadkii 2009-kii.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Madaxweynaha la filayo inuu Ra’iisul Wasaare u magacaabo Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo ah Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya Mareykanka, isagoo horay Ra’iisul wasaare u soo noqday.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Madaxweynuhu soo gaba gabeeyay wada tashiyadii la xiriiray soo magacaabida Ra’iisul Wasaaraha oo uu la lahaa Xildhibaanada Baarlamaanka, la taliyeyaashiisa, siyaasiyiin iyo wakiilada beesha Caalamka.

Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa aad loo hadal hayay in labo xubnood midkood Madaxweynuhu u magacaabi doono Ra’iisul Wasaare sida Xuseen Cabdi Xalane iyo Cumar Cabdirashiid, balse ilo ku sugan Madaxtooyada ayaa sheegaya inay u badan tahay in Cumar Cabdirashiid la magacaabo.


Wararka ayaa sheegaya in Mr Cumar Cabdirashiid uu ka soo ambabaxay dalka Mareykanka, isagoo soo gaaray magaalada Dubai, waxaana la filayaa in ugu dambeyn maanta uu soo galo magaalada Muqdisho, si xilka Ra’iisul Wasaare loogu magacaabo.

Wararka ayaa intaa ku daraya in maalinta berri oo talaado ah ay u badan tahay in Madaxweynuhu ku dhawaaqi doono Ra’iisul Wasaaraha cusub.

Cumar Cabdirashiid oo sanadkii 2009-kii loo magacaabay Ra’iisul Wasaare dowladdii uu hogaaminayay Sheekh Shariif ee lagu soo dhisay dalka Jabuuti ayaa is casilay 21-kii bishii September ee sanadkii 2010, kadib markii isaga iyo Madaxweynaha uu soo kala dhex galay khilaaf saameeyay hey’adihii dowladda.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada