QM oo dalbatay dhaqaale wax loogu qabto dad ku dhibaateysan Soomaaliya

QM oo dalbatay dhaqaale wax loogu qabto dad ku dhibaateysan Soomaaliya

daajis.com:-Hay’ada bini’aadanimada Qaramada Midoobay ee ku sugan dalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay u baahan yihiin 863 Million oo doolar si wax loogu qabto dadka u baahann gargaarka aadanimo oo gaaraya 2.76 Million sanadka 2015, sida masuuliyiin QM ka tirsan ay sheegeen.

Mr Philippe Lazzarini, oo ah Isuduwaha Hawlaha Bani’aadamnimada, ayaa sheegay in xaalada bini’aadanimo wadanka ku yaala geeska Africa ay xumaatay markii ugu horeysan sanadkaan tan iyo sanadkii 2011 markaasi oo abaaro ay ku dhifteen gobolada dalka Soomaaliya.

Isuduwaha howlaha aadamnimada ayaa dalbaday lacag dheeraad ah oo wax loogu qabto dad badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo la sheegay inay heysato xaalado nafaqo daro haba u badnaadeene caruurta.

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Mr Lazzarini ayaa lagu sheegay in sanadka 2015 ay qorsheeyeen inay diirada saaraan badbaadinta noloshada dadka iyo caawinaad dadkaasi la siiyo.

Wuxuu sheegay in xaaladaha dagaalada, abaaraha, daadadka, kororka qiimaha raashiinka, iyo dhaqaalo la’aanta ay horseetay inay kasii darto xaalada bini’aadamnimo ee ka jirta dalka Soomaaliya.


“Waxaan ka dalbaneynaa beesha caalamka inay garab istaagaan shacabka Soomaaliyeed waqti xaadirkaan, waxaa qasab ah inaan la fogaano abaar la mid ah middi 2011 ay ka dhacdo Soomaaliya”sidaasi ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Xafiiska Lazzarini.

Marka loo eego war kasoo baxay qaramada Midoobay, inka badan seddex milyan oo Soomaali ah ay u baahan yihiin gargaar bini’adanimo, iyadoo dad lagu qiyaasay 1 milyan oo ruux aysan awoodin inay helaan nolol maalmeedkooda.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada