VIDEO:- Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud oo ka hadlay Dagaalkii ka dhacay Dhuuso-Mareeb

VIDEO:- Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud oo ka hadlay Dagaalkii ka dhacay Dhuuso-Mareeb

daajis.com:-Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud Xuseen Cali Wehliye Cirfo oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Dhuusa Mareeb ayaa ka hadlay dagaalkii dhacay, isagoo meesha ka saaray in dagaalkii dhacay aanu u dhaxeyn ciidamada dowladda iyo Ahlusuna.

“Dagaalkii ka dhacay Dhuusa Mareeb wuxuu u dhaxeeyay ciidanka dowladda iyo kooxo qaswadayaal ah oo sheeganaya magac Ahlusuna, ma aanu u dhaxeyn ciidanka dowladda iyo Ahlusuna”ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud.



Gudoomiyaha ayaa sheegay in xaalada Magaaladda Dhuusa mareeb ay tahay mid degan, isla markaana ay si buuxda u maamulayaan ciidamada dowladda, kadib markii ay ka saareen kooxihii weerarka soo qaaday sida uu yiri

“Xaalada magaalada Dhuusa Mareeb waa degan tahay, wax dhibaato ah kama taagna, ciidamada dowladda ayaa si buuxda gacanta ugu haya”ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud.

Mar uu ka hadlayay khasaaraha ka dhashay dagaalka ayuu tilmaamay in hal askar uu kaga geeriyoodat, ayna jiraan khasaare kale, waxaana uu ugu baaqay shacabka Gobolka inay is dejiyaan.



Inta la og yahay ilaa saddex ruux ayaa ku geeriyootay tobaneeyo kalena waa ay ku dhaawacmeen, markii ciidamada dowladda iyo Ahlusuna ay ku dagaalameen Guriceel iyo Dhuusa Mareeb.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada