Dowladda Soomaaliya oo gacanta ku dhigtay Markab kallun sharci darro ah siday

Dowladda Soomaaliya oo gacanta ku dhigtay Markab kallun sharci darro ah siday

daajis.com:-Dowladda ayaa gacanta ku dhintay Markab si sharci darro ah u kulluumaysanayay,sida uu sheegay agaasimaha wasaaradda Kalluumaysiga Soomaaliya.

Markabkan oo ku soo xirtay Marsada Caalamiga ah ee Dakedda magaalada Muqdisho ayaa caawimaad soo weydiistay maamulka Dakadda kadib markii ay Sahaydii iyo Shidaalkii uu ka go’ay markabka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga dowladda Federaalka Soomaalia, Mudane Axmed Maxamed Iimaan oo ka hadlay arrinta markabka ayaa sheegay in markabkan oo ay saaranyihiin 25 shaqaale uu waday 130 Tan oo Kalluun sharci darra ah xabsigana loo tixaabay kabtanka Markabka iyo Shaqaalaha Saaran.

Agaasimaha ayaa intaa ku daray in markabkan uu si sharci dara ah uga kalluumeysanayay xeebaha wadanka Soomaaliya, baaritaankiisana loo xil saaray Isaga, Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka,iyo Hanti dhowrka.

Guddigaasi ayaa sheegay in maxakamad la horgeyn doono shaqaalaha markabka iyadoo kulluunka Markabkaasi saaranna lagu Qiimeeyay Lacag dhan 1,700 (Hal milyan iyo Todoba boqol oo Kun ) dowladda Soomaaliyana ay la wareegi doonto.

Badda Soomaaliya ayaa si sharci darro ah waxaa uga kalluumaysta maraakib shisheeya kuwaaso xaalaf ba’an ku haya khayarka badda.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada