daajis.com:- Sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa isku dhiibay maamulka degmada Luuq ee gobolka Gedo.
Sarkaalka oo magaciisa lagu sheegay Xasan Dhudi ayaa markii uu isku dhiibayay ciidanka ammaanka watay qori AK-47 ah iyo boosh uu rasaas ku sitay, sida uu warbaahinta u sheegay ku-simaha guddoomiyaha degmada Luuq, ahna madaxa mashaariicda degmada, Bishaar Aadan Cabdulkariim.
Bishaar ayaa sheegay in horjoogaha isa soo dhiibay uu ku dhuumaaleysanayay dhulka baaddiyaha ee u dhaxeeya degmooyinka Luuq iyo Buurdhuubo.
Isa-soo dhiibista sarkaalka ayuu ku tilmaamay inay caddayn u tahay inuu idlaaday waayihii kooxda Al-Shabaab, wuxuuna ugu baaqay dadka xubnaha ka ah kooxda inay isa soo dhiibaan, kana waantoobaan falalka gurracan ee ay gacmaha kula jiraan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 00:13 and have

