Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo codsaday in dib loo dhigo cod u qaadista wasiirrada iyo baarlamaanka oo go’aamiyay Sabtida in la horkeeno xukuumadda

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo codsaday in dib loo dhigo cod u qaadista wasiirrada iyo baarlamaanka oo go’aamiyay Sabtida in la horkeeno xukuumadda

daajis.com:- Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya,Cumar Cabdirashiid Cali ayaa baarlamaanka u diray warqad uu uga codsanayo in ilaa 22-ka January dib loogu dhigo xilliga golahiisa wasiirrada la horgeynayo xildhibaannada.

Kulanka oo uu shir-guddoominayay guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Seekh Cismaan Jawaari,waxaana soo xaadiray 178 xildhibaan.

Ajandaha kulanka wuxuu ahaa sii ambaqaadista akhrinta labaad ee hindise-sharciyeedka hanti-dhowrka guud ee dowladda, balse xildhibaannada ayaa loo qeybiyay warqadda codsiga ah ee raysul wasaare Cumar.

Xildhibaannada ayaa lagu soo warramayaa inay ku kala qeybsameen codsiga ra’iisul wasaaraha. Waxaa ay xildhibaannadu cod u qaadeen waqtiga codsiga kalsoonida ah loo qaadi doono golaha cusub ee wasiirrada.


Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya,Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo cod qaadista xildhibaannada kadib hadlay waxuu sheegay xildhibaannada inay go’aamiyeen wasiirrada in la horkeeno maalinta Sabtida ah.

Jawaari ayaa cod geliyey kaddib markii mudaneyaasha ay ku kala aragti duwnaadeen codsiga Ra’iisul wasaaraha, iyadoo codeyntna natiijada ka soo baxdeyna uu Akhriyey guddoonka Barlamaanka.

“Codeyntii ay xildhibaannada Barlamaanka Federaalka Somalia u qaadeen codsigii Ra’iisul wasaaraha ee ahaa in dib loogu dhigo waqtiga oo golahiisa wasiirrada keenayo oo ku aadaneyd sabtiga soo socda, waxa ay u dhacdey sidan oo waxaa, waxaa madasha kulanka golaha ee guud soo xaadiray 178, mudane, waxaa ogollaatay codsiga 57, Mudane waxaa diidday 120, Xildhibaan, waxaa ka aamusay hal mudane, sidaa daraadeed Barlamaanka Somalia waxa uu ogollaadey in Sabtiga golaha wasiirrada la horkeeno Barlamaanka Somalia, ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka oo saxaafadda la hadlay.

Guddoonka baarlamaanka ayaa shalay ku wargeliyay ra’iisul wasaare Cumar inuu baarlamaanka horgeeyo golihiisa wasiirrada iyo barnaamijka xukuumaddiisa si codka kalsoonida loogu qaado maalinta Sabtida ah ee soo socota.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada