-Daawo Video: Obama oo xalay Khudbad Ka jeediyey Magaalada NEW ORLEANS

-Daawo Video: Obama oo xalay Khudbad Ka jeediyey Magaalada NEW ORLEANS

daajis.com:- Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa xalay khudbad u jeediyay dadka Magaalada New Orleans gobolka Lusiana, oo muddo haatan laga joogo 10 sanadood ay dufaan daadad waaweyn watada dhulka ku dartay.


Madaxweyne Obama ayaa ku amaanay dadka Magaalada Dhabar adeeg iyo dulqaad ku dayasho mudan oo ay kaga soo kabteen musiibadii ku dhacday sanadkii 2005tii, Duufaantaas oo loogu magac daray Katarina ayaa waxaa ku dhintay ku dhawaad 2 kun oo qof, in ka badan halmalyuun oo qofna wey ku guryo beeleen.


Madaxweyne Obama ayaa sheegay in qaar badan oo ka mid ah Shacabka Mareykanka ay nolol maalmeedka la xarbinayaan, iyadoo weliba dhaqaalaha dalka uu soo kabanayo.

Wuxuu ka codsaday Congresska inay ansixiyaan miisaaniyadda dowladda, si looga baaqasado in howladha dowladdu ay istaagaan markii labaad muddo laba sanadood gudahooda ah, oo taasina ay dhaawacdo horumarka uu ku socdo dhaqaalaha Mareykanka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada