Gaari ay ka buuxeen Wayaabaha Qarxa oo Xalay Lagu Qabtay Garaash ku Yaal Muqdisho (SAWIRRO)

Gaari ay ka buuxeen Wayaabaha Qarxa oo Xalay Lagu Qabtay Garaash ku Yaal Muqdisho (SAWIRRO)

daajis.com:- Gaari ay ka buuxeen waxyaabaha qarxa ayaa ciidamada amnigu ka soo qabteen Garaash ku yaalla degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in gaarigani uu ku xareysnaa garaash lagu magacaabo howlaha guud oo ku yaalla xaafada Sei-biyaano ee degmada Hodan si halkaas subixii looga wato oo weerar lagu fuliyo.


Dad goobta ku sugnaa oo ka shakiyey gaarigan ayaa ciidamada dowlada ku wargeliyey arintaas, iyadoo ciidamada oo halkaas gaaray markii dambe ay xaqiijyeen in gaariga ay saaran yihiin waxyaabaha qarxa, iyagoo ka dibna si taxadar ku jirta u kala furfuray.

Saraakiisha amaanka ayaa sheegay in gaarigan miineysan la damacsanaa in weeraro looga fuliyo magaalada Muqdisho balse la fashiliyey, mana cadda illa hadda halka loo waday.

Sidoo kale waxay sheegeen saraakiishu in gaarigan ay saarnaayeen hub kala duwan oo ay kamid yihiin Gantalaha Garabka laga Tuuro, Qoryo AK-47, Boolal loogu talagalay marka uu gaarigu qarxo iney waxyeello baahsan geystaan iyo waxyaabo kale.

Al-shabaab ayaa bishan Ramadaan ka geysatay magaalada Muqdisho weeraro ismiidaamin ah iyo dilal kala duwan oo dad badan ku geeriyoodeen qaar kalena ay ku dhaawacmeen.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada