daajis.com:- Fanaanka caanka ah ee Farxaan Xidig ayaa la soo sheegayaa in lagu xiray magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, Xariga fanaankani ayaa waxaa kasoo baxaya warar kala duwan.
Wararka soo baxaya qaar ayaa sheegaya in Xidig loo xiray arrimo la xiriiray siyaasada, maadaama uu dhowaan ku dhawaaqay inuu ka qayb qaadandoono siyaasada, isla markaana uu yahay musharax u taagan Xildhibaanka Baarlamaanka Soomaaliya.
Farxaan Xidig oo horay Muqdisho u yimid sanadkii 2012, isla markaana marar badana ku soo laabtay, ayaa la sheegay inuu xilligan rabay Xildhibaan, si uu u bedelo booska Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka.
Somaliland oo horay ugu dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale ayaa waxaa deegaanadeeda ka mamnuucday inay tagaan Siyaasiyiinta ama Mas’uuliyiinta xilalka ka haya Dowladda Soomaaliya.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Somaliland oo ku aadan xariga Farxaan Xidig, hase ahaatee baraha Bulshada ayaa saacadihii la soo dhaafay laga hadal hayay arrinta xariga Fanaankaasi, iyadoo Somaliland loogu baaqayay inay sii deyso.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 00:30 and have


